31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Wabixin: Yuu Saacid u aqoonsan yahay wasiiradda ugu shaqada badan DF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdifaarax Saacid Shirdoon ayaa maanta booqday labo ka mid ah xurumaha wasaaradaha xukumadiisa, wuxuuna sheegay in ay yihiin kuwa ugu shaqada badan wasaaradaha jirra.

Raysal wasaaraha oo ay la socdaan qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa booqday Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Kheyraadka.

Raysal wasaaraha ayaa halkaas kulamo kula qaatay labada wasiir ee madaxda ka ah wasaaradaas, dabadeedna wuxu la hadlay saxaafadda.

Wuxuu sheegay raysal wasaare Saacid in labadan wasaaradood ay yihiin kuwa ugu shaqada badan wasaaradaha xukuumadiisa.

Wuxuu kaloo sheegay in loo aqoonsaday labadan wasaaradood kuwa ugu wax-qabadka badan xukuumadda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku ammaanayaa wasiirka warfaafinta tallaabooyinka ay qaadday wasaaraddiisa ee dib loogu howl-gelinayay hay’adaha dowladda, sida boostadii dalka, shirkadda duullimaadka Somali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayuu war qoraal ah ku yiri raysul wasaare Shirdoon.

Wasiirka warfaafinta, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay qabatay shaqooyin badan, wuxuuna tilmaamay in ra’iisal wasaaraha uu ku saxan yahay in uu labadan wasaaradood uu ku tilmaamo kuwa ugu wax-qabadka badan xukuumadda.

Ma cadda wax yaabaha uu kala jeedo raysal wasaaraha hadalkan, balse waxaa meesha ka muuqata in uu jirro khilaaf ka dhex jirra ra’iisal wasaaraha iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda.

Wasiiradda ka soo horjeeda ra’iisal wasaaraha ayaa la safan madaxweynaha,waxaana ay u oleenayaan in meesha laga saaro.

Wasiiradda aysan isku fiicneen raysal wasaaraha waxaa ka mid ah, arrimaha dibedda, arrimaha gudaha, gaashandhigga iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News