25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO: R/Wasaare C/Weli oo caawa Muqdisho ku qabtay kulan degdeg ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa goordhow soo sheegay in caawa magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan degdeg oo looga hadlay ammaanka caasimada oo faraha ka sii baxaya.

Kulan oo ka dhacay xarunta taliska booliska ee Gen Kaahiye, waxaa ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Axmed Sheekh iyo wasiirka ammaanka qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo saraakiil kale.

Kulanka wuxuu ahaa mid albaabada xiran oo saxaafadda banaanka ayey ka joogtay.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha ciidanka booliska Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid), wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay xaalada ammaanka Muqdisho iyo siddii la isaga wareesan lahaa xaalada dalka.

IMG_05851Wuxuu sheegay in booqashada ra’iisal wasaaraha ay la xiriirtay siddii loo xoojin lahaa caasimada Muqdisho oo dhawaanahan ay ka dhacayn qaraxyo iyo dilal.

Kulankan ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley magaalada Muqdisho uu ka dhacay labo qarax oo mid ka mid ah lagu dilay xoghayihii horre ee gobalka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa mar uu shaley ka hor hadlaayay baarlamaanka sheegay ammaanka in xukuumadiisa ay siineyso ahmiyada ugu weyn.

20140504_173235

20140504_173030

20140504_202548

20140504_174237Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News