Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan shaqaalaha Dowladda Markii hore ma shaqeyn jirin waqti fiican oo ay dadka ugu adeegaan, waxaana la arki jiray xafiisyada dowladda oo faaruq ah iyo shaqaalaha oo mushaarkooda iska qaato.
Haddaba Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto ku soo saaray xilliga shaqaalaha dowladda ay shaqada soo gelayaan kana baxayaan, taasoo ah arrinta ugu mihiimsan dowladda Soomaaliya.
Ra’isulwasaaraha ayaa amray in dhammaan shaqalaalaha dowladda ay shaqeeyaan 8:00 subaxnimo ayna ka baxayaan 04:30 Galabnimo taasoo ka dhigan inay asbuucii shaqeeyaan 48 Saac.
Sida uu qabo xeerka Shaqaalaha, maalinta Khamiista ah ayaa la ogol yahay inay shaqaalaha shaqada ka baxaan 1:30 Duhurnimo.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ogaaday in xafiisyada dowladda intooda badan shaqada lasoo galo 10:00Am kadib markii uu kormeer ku tagay dhawr xarun.
Haddaba halkaan hoose ka aqriso wareegtada kasoo baxday Ra’isulwasaaraha