Safiirka USA ee Somalia oo Trump kala hadlaya xayiraada Soomaalida uu kusoo rogay

Muqdisho (Caasimada Online)-Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Xanibaadii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kusoo rogay dalal Soomaaliya ay ku jirto.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu kala hadli doono sidii loo qaadi lahaa mamnuucida Madaxweyne Trump uu shacabka Soomaaliyeed ka mamnuucay inay tagaan dalkaasi.

Stephen Schwartz, wuxuu sidoo kale sheegay inuu dadaal dheeraad ah ku bixin doono sidii liiska looga saari lahaa Soomaaliya, maadaama Trump dalal Soomaaliya ay ku jirto uu ka mamnuucay dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump oo ad adeeg lagu yaqaan ayaa todobo dal oo Soomaaliya ay ku jirto dadkooda ka mamnuucay dalkaasi, waxaase markii dambe xayiraada laga qaaday dalka Iran.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Mareykanka, waxaana markii amarkaasi lasoo saaray ay saameysay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo doonayay inay tagaan dalkaasi.

Waxaa dadkaasi kamid ah Soomaalida ku nool xeryaha Dhadhaab oo qaarkood kaliya sugayay inay u safraan dalkaasi, maadaama marar badan ay sugayeen ogolaanshaha dalkaasi inay tagaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com