Burcad-badeeda Soomaalida oo mar kale geystay Afduub (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) – Kooxo ka tirsan Burcad-badeeda Soomaalida ayaa mar kale afduubtay doon ganacsi xili ay mareysay Xeebaha dalka Yemen.

Doonidaani ayaa waxaa afduubtay Burcad-badeed ku hubeysnaa Hubka fudud, kuwaa oo Doonida la aaday dhanka Xeebaha Puntland.

Saraakiil ka tirsan Hay’ada Ganacsiga iyo ilaalinta Badaha ee dowladda Britain ayaa sheegtay in doontaasi la afduubtay Sabtigii ,islamarkaana lala aaday Xeebaha degaanada maamulka Puntland.

Saraakiishu waxa ay sheegen in Doonida si gaara loola aaday Degaano ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Saraakiisha waxa ay intaa raaciyeen in falka lagu afduubtay Doonida ay tahay calaamad muujineysa in Burcad-badeeda ay dib usoo rogaal celinayaan marba marka xigta.

Sidoo kale, Hogaamiyaha waaxda QM u qaabilsan la-dagaalanka Daroogadda iyo Dambiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka ay u soo jeestaan Qatarta ka dilaacday Soomaaliya.

Dhinaca kale, Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com