R/W Khayre  oo banaanka soo dhigay arrin ay isaga iyo madaxda DF ku ballameen

Muqdisho (Caasimada Online) – R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee ka baxa Tvga Qaranka ayaa wuxuu ka hadlay Arrimo badan oo ay ka midyihiin xaalada dalka haatan uu marayo, dib u heshiisiinta, Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda iyo arrimo kale.

Mudane Xasan Cali Khayre R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqaynayso dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed si loo gaaro hormar iyo isbadal.

Mudane Khayre ayaa sidoo kale sheegay xukuumadda iyo dowlad gobaleedyada ka jira dalka inuu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan iyo wadashayn, taasna ay dadaal badan ku sii bixinayso dowladda dhexe ee dalka.

R/wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu tilmaamay sidoo kale asaga iyo madaxda kale ee dowladda inay ku balameen inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara is qab qabsi iyo qilaaf, ayna ku dhaqaynayaan Dadka Dadka iyo Dalka.

Ugu danbayntii R/wasaaruhu wuxuu ka hadlay Bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha iyo ciidanka Wuxuuna cadeeyay dowladdu inay ka go’antahay in bilkasta dhamaan Shaqaalaha dowladda xuquuqdooda ay joogto u helaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET