Maxaa ka cusub afduubkii R/W Libya?

Tripoli (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha dalka Liibiya Ali Zeidan oo goor sii horeysay oo maanta ah lagala baxay Hotel uu ka deganaa Magaalada Tripoli ayaa saacado ka hor Xoryadiisa dib u helay,Sida Dowlada ay shaacisay.

Kooxo Falaago ah oo Xiriir ay la leeyihin Dowlada Liibiya , ayaa la sheegay in Gacanta ay ku dhigeen Mr Zeidan,iyagoo ku eedeeynaya inuu ku dhaqmay ama bixiyay amar aysan ku qancin.

Maleeshiyaadkaan  Gacanta ku dhigay Ra’isul wasaaraha ayaa waxay ka mid yihiin Kooxo dhowr ah oo ka gil gishay Weerarkii Mareynkanka uu Liibiya kagala Baxay Hogaamiyaha sare ee ka Tirsan Al-Qaa’ida ee Anas Al-Liibiya.

Ma jiraan ilaa iyo Hada war cad oo ka soo baxay Xukuumada Liibiya oo ku aadan Afduubka Ra’isul wasaaraha Liibiya.

Kooxda Ra’isul  wasaaraha Afduubatay Maanta ayaa sheegtay in Xariga Mr Zeidan uu la xiriiro damaanad qaad dhanka dacwad Oogayaasha ah, Laakiin Dowlada ayaa arintaasi beenisay.

Dadka Liibiya ayaa ka careysan Talaabadii Kumaandooska Mareynkanka Sabtadii ugu Qaadeen Weerarka Liibiya,iyagoo damacooda uu ahaa inay soo qabtaan Sarkaal sare oo ka tirsan Liibiya oo lagu Magacaabo Anas Al-libya.

Dad badan oo Reer Liibiyaan ah ayaa u arka Weerarkii Mareynkanka Mid ka dhac ah ku ah Qaranimada Liibiya,waxaana Sii kordhaya Cadaadiska lagu saarayo Xukuumada inay arintaasi sharaxaad ka bixiso.

Maalintii Isniinta ahayd ayaa Dowlada Liibiya waxay Mareynkanka ka dalbaday inay ka jawaabto Talaabadii ay ku weerartay Liibiya Muwaadin dalkaasi si sharcidaro ah kula baxday.

Caasimada online

Xafiiska Tripoli

Caasimada@live.com