Shabakad dilal ka geysatay Sool oo gacanta lagu dhihay

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday goob ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo la sheegay inay horey dilal qorsheysan uga geysteen magaaladaasi oo xarun u ah Sool.

Somaliland ayaa sheegtay in xubnahaan oo qaarkood gacanta lagu soo dhigay ay ahaayeen shabakad argagixiso ah oo ka howlgalayey halkaasi, ayna ku daba jireen ciidanka amniga.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac inta uu socday howlgalka, ayada oo ay baxsadeen qaar ka mid ah ragga hubeysan ee la weeraray.

Dhanka kale ma cadda khasaaraha ka dhashay israaseynta labada dhinac, waxaana howlgalkan horkacayey taliyaha qaybta guud ee Booliska Sool G/Dhexe Cali Axmed Shire.

Booliska Somaliland weli kama hadlin shaqaaqadaan, balse waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Laascaanood, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Amniga Laascaanood ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad u liitay, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida weeraro iyo sidoo kale dilal qorsheysan.

Si kastab, Somaliland ayaa horay magaaladaan uga soo masaafuray qoysaska kasoo jeeda dhinaca koonfurta, sababa la xiriira amni darrada ka jirta magaaladaasi.