SOMALILAND oo gacanta ku dhigtay nin dil ka heystay hoteel ku yaalla Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka geystay Hargeysa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen Baashe Faarax Cabdi oo ku eedeysayn dilka Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan, kaas oo xalay ka dhacay Hoteelka lagu magacaabo Niil ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu dilka u adeegsaday Toorey, haatana lasoo xiray, si looga qaado tallaanbo adag oo sharciga waafaqsan.

“Baashe ayaa ku eedaysan inuu ku dilay marxuumka toorey abaaro 2:30 habeenimo ee xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil ee Hargeisa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland.

Taliska Booliska ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan, gaar ahaan waxa keenay dilka loo geystay Marxuum Jimcaale oo 25 sano jir ahaa, balse waxay sheegeen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah oo ku adaan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Booliska Somaliland ayaa wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban cid kasta oo fal dambiyeed dil ah ka geysata guud ahaan maamulkaasi.

“Ciidanku waxa uu ugu baaqayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo Ilaahey talo saaranaya” ayaa markale lagu yiri qoraalka Booliska.

Ugu dmabeyn Booliska ayaa u mahadceliyey shacabka Somaliland, ayaga oo ku amaanay sida ay ugala shaqeeyaan amniga iyo xogaha ay mar-weliba la soo wadaagaan.