Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey Cadale iyo heshiis la saxiixday

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo  dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka.

“Qof muslim ah oo walaalkiis ah oo Soomaali ah qofkii inta u qasday dilay, magaca uu doono haku dilo waa qaatil, ma ahan reer hebel, qabiil na ma ahan, waa dilaa, dilaana shareecada waxa ay ka qabto waa ognahay, sidoo kale dadka isbaarada dhiganaya waa qaadicul-dariiq iyagana qabiil ma lahan waa in sharciga la marsiiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo halka cadaw ee Soomaaliya ay leedahay ee ah Khawaarijta Al-shabaab.

“Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada,” ayuu yiri.

Waxaa Kulankan laga aqriyay Qaraar Golaha Wasiirradu ansixiyeen shalay, kaas oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, qaraarkan ayaa isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga.

Ugu dambayn, Duubabka iyo odayaasha dhaqanka ayaa saxiixay baaqa nabadda Cadale, kaasi oo adkeeynaya walaalnimada iyo wadajirka, isla markaana tilmaamaya in bulshada u midowdo dagaalka Khawaarijta. baaqa ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo  jidgooyooyinka sharci-darrada ah.