Daawo: Xildhibaanada Duduble ee Qaayib ku sugan oo eedeyn culus u jeediyey DF

Qaayib (Caasimada Online) – Xildhibaanada beesha Duduble ee ku sugan degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ayaa eedeyn culus u soo jeediyey dowladda federaalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo.

Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo baarlamaanka federaalka ka tirsan iyo Xildhibaan Xasan Afyare oo baarlamaanka Galmudug ka tirsan ayaa hoggaaminaya ciidanka beesha Duduble ee Qaayib ku sugan.

Labada Xilldhibaan oo galabta warbaahinta kula hadlay Qaayib ayaa eedeyn kala dul dhacay dowladda dhexe oo sida ay sheegeen ku fiirsatay weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab iyo dhulkoodii oo la heysto.

“Qorshaha dowladdu waa ugu sawir oo kaliya, madaxweynaha waxaan ka rabnaa inuu na dhaho cadowga iska difaaca iyo in dowladda aan garab ka helno, rasaas, caafimaad iyo ciidan, midna idinkama aanaa helin,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare.

Labada Xildhibaan ayaa sheegay in 20 cisho ay ku sugan yihiin Qaayib, isla markaana ay wax garab istaag ah ka waayeen dowladda federaalka, iyagoo ka codsaday dowladda in labo arrin loo kala cadeeyo.

“Ma heyno gacantii dowladda, hadii dowladdu ay na dhahdo idiinma soo soconee dhaqaaqa oo cadowga iska dhiciya, waan dhaqaaqeynaa, hadii istiraatiijiyadda dowladda dalka lagu soo xoreynayana nasoo gaara,” ayuu yiri Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Afyare ayaa sheegay inay yihiin qabiil isku tasha kara, laakiin ay sugayeen qorshaha dowladda, “Qaayib cadowgii saakay nagu soo weeraray waan iska dhicinay, nagu garab istaaga dagaalkaan ama igu sawirtiinu hanaga harto,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Afyare.

Hoos ka daawo