Saaciid Deni: “Waxaan ka baqeynay in Villa Somalia raashinka sun noogu darto”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho.

“Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri.

Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.