Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo Shariif?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Ujeedka Cali Guudlaawe uu xalay ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh ayaa ahaa booqasho isugu jirto salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladda uu dalka marayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho & dibad-baxii laga hor istaagay xubnaha musharraxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulamo kale oo looga arrinsayo xaaladda adag ee lagu jiro, siiba marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Guudlaawe waa madaxweynihii labaad ee dowlad goboleed ee la kulma hoggaanka midowga musharraxiinta, kadib rabshadihii ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho.