Midowga musharaxiinta oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay dood soo kala dhax-gashay, taas oo ka dhalatay kulamo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas lala qaatay madaxda maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. 

Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ah madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa habeen hore la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo kala hadlay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho. 

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan mucaaradka ayaa Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ku qabsaday in ay ka qeyb galaan kulamadaas, iyadoo aan laga tala gelin xubnaha kale ee Golaha Midowga. 

Xubnahan ayaa ku dooday in kulamadaas ay ahaayeen qalad inay dhacaay, ayada oo Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay ka aamuseen dhibaatadii ciidamada dowladda ay u gaysteen shacabkii ay ku mataleen siyaasadda dalka, ayaga oo xabadeeyey xilli ay dibad-baxayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan qarsan dareenkiisa, wuxuuna qoraal uu shalay soo dhigay facebook ku yiri “Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.”

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ah madaxweynayaal uu kursiga ku fariisiyey Farmaajo, mana la filayo inay marnaba hadal ka dhan ah u sheegaan si shaacsan.