Saadaasha xiisadaha ka taagan Soomaali Galbeed

Ra’igayga gaaban

Waxaan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo xiisadaha ka taagan dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho ee magacyada badan leh (Soomaali Galbeen, Ogaadeeniya, DDSI, K5).

Marka hore

Xusuuso Dr. Abiyot Axmed arrinta Soomaalida mooyee dhammaan arrimihii kale ee aayaha Itoobiya la xidhiidhay si nabad iyo miyyir ah ayuu u waajahay. Waxaa ka mid ah: tii Ereteriya, tii Massar, tii Suudaan, tii maxaabiis Itoobiya iyo is cafinta, tii Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Marka xiga

Weerarkii Oromadu bilihii la soo dhaafay ku haysay Soomaalida ee foosha xumaa waxba kama uusan qabannin. Waa sax Soomaalida lafteed colaadda Soomaalida iyo Oromada qayb ayey ku ahayd, inkasta oo aan shacabka lagu eedi karin ee uu maamulkii Cabdi Ilay, ka xukuumad ahaan, ka dambeeyay weerarkii ay Liyuugu bilowgii ku qaadeen Oromada; lagana yaabo in ay gacmo saddexaad ka dambeeyeen, sida Tigreega oo markay ku la ciirtay ka shaqeeyey isku dhaca Soomaalida iyo Oromada.

Tan kale

Dr. Abiyot Axmed si kicin ah ayuu u sheegay in shidaalka gobolka Soomaalida ay dadka deegaanku 5% ku leeyihiin, iyadoo la filayey in ay billowdaan wada haddalo u dhexeeya ONLF iyo Itoobiya, khayraadkuna wadalka uu qayb wayn ka ahaa. Waxaana xigay Ciidan Milatari ah oo xoog ku qabsaday maamulkii jiray, iyagoo aan sababta sheegin!

Waxaa la’isla dhex marayey waxay ciidanku ka hortagayeen qorshe qarsoodi ah oo uu Cabdi Ilay ku dhawaaqi rabay oo ahaa in ay baarlamaanka DDSI cod u qaadaan go’itaanka gobolka – lama hubo arrinkan.

Intaa innagoo maskaxda ku haynna;

Waxaan rabaa bal in aan suureeyo sida ay wax noqon karaan – waa odoros, ilaahay swt ayaa garan kara sida ay noqon doonto, laakiin waxaa inoo bannaan in aan saansaanta socota ka fahanno waxa xigi doona.

Dareenka Soomaaliyeed ee ah duullaanka dhul ballaadhsi ee Oromada

Ugu horrayn dadka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaa jira dareen iyo hadal hayn ah in ay Oromadu duullaan soo tahay, ayna waddo dhul ballaadhsi, waxaa arrintaa loo daliishan karaa sida ay dadka ku nool DDSI uga midaysan yihiin in ay Oromo qabsatay, xataa ciidanka qaranka Itoobiya waxay aaminsan yihiin in uu Oromo yahay – waa sida ay ii sheegeen dhammaan dadkii aan la hadlay ee gudaha joogay. Gobollada kale ee Soomaalida waxaa ka dhacay dilal ka dhan ah Oromada sida Boosaaso, Puntland.

ONLF iyana fikirkaas ayey qabtaa, waxayna aaminsan tahay Itoobiya oo ay aqlabiyaddu (majority; Oromo » 40%) xukumayso way ka qalafsan tahay tii ay 30ka sano la dagaalamayeen ee ay inta yaru (minority; Tigree » 6%) u talinaysay.

Itoobiya Dareenkaas ma aysan tixgalinnin

Itoobiya dareenkaas ma aysan tixgalinnin! Waxayna si lama filaan ah u soo daabushay ciidankii difaaca uga jiray aagga Baadhame oo gaasas ah, haddana waxay ku suganyihiin dhulka Soomaalida. Kollayna ciidanka farahaas leh duullaankoodu ma sahlana! Gaashaan dhigga Itoobiyana wuxuu sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo suuro gal ah si amniga iyo kala dambaynta loo soo celiyo. Waxaana loo fassiran karaa hanjabaad.

Sida la’iska dhex marayo, Cabdi Ilay wuxuu waday mooshin ah go’itaan, laakiini lama hubo. Waa sababta soo dedjisay soo galintaanka Milatariga Itoobiya ee gobolka. Ogow, waa laga baaqsan karay, sababtoo ah, qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ayaa ogol hadday 2/3 (saddex meelood labo) golaha deegaanku ansixxiyaan go’itaan, in ay dawladda Federalku 3 sano gudohood ku qaban qaabiso afti dadwayne oo dhammaytir u ah codbixinta baarlamaanka deegaanka ee go’itaanka.

Haddii marka uu qorshahaas waday xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu baarlamaanka mariyo, loomana baahnayn in ciidan milatari ah lagu dalbado.

Ku darso, Dr. Abiye Axmed wuxuu maalin dhawayd sheegay in ay Soomaalidu (Saami ahaan) shidaalka dhulkooda ku leeyihiin 5-10%. Arrintaasu Soomaalida mucaarad iyo muxaafidba way dhibtay, waxayna u aragtay in Oromada la naas nuujinayo. Waa dabkii oo baasiin lagu sii shubay!

Oromada

Dhanka kalana, dad Oromada xog’ogaal u ah waxay ii sheegeen in ay leeyihiin dhulka Soomaalidu deggan tahay annagaa lahaan jirnay! RW Dr. Abiyot Axmed hal marna kama uusan hadlin colaadda Oromada iyo Soomaalida oo meeshii ugu xumayd maraysa, marka laga reebo maalin uu yidhi waan ognahay dadka colaadda hurinaya, tallaabo cadna waan ka qaadi doonnaa dadkaas. Maalmihii xigayna wuxuu weerar sharci darro ah ku billaabay maamulkii Soomaalida.

Waxaa la soo sheegay in uu yidhi ciidankii Liyuu Boolis ee Soomaalida ha la kala diro, hubkana ha dhigeen – laakiin lama hubo.

Liyuu Boolis

Ciidankii Liyuu Boolis way gadoodsan yihiin, waana ciidan xoog leh oo dhisan, tiradooda waxaa lagu qiyaasaa 30,000 ilaa 60,000 oo Soomaali miidhan ah. Waa ciidan 10 sano jir ah oo aad u tababaran, hubka fududna si waafi ah u haysta.

Sida aan wararka ku helaynno, waxay isku uruursadeen aagag gaar ah, waxayna wacad ku mareen in ay dagaalamayaan. Wayna diideen in ay hubka dhigaan.

Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay)

CMC ama Cabdi Ilay hadda wuxuu joogaa Adis Ababa, waxaana si khasab ah ku kaxaystay ciidanka Milatariga Itoobiya. Ismaan dhaaf darranna wuxuu kala dhexeeyaa RW Dr. Abiyot Axmed. War aanan hubin ayaa sheegaya in la’is mari la’yahay. Waxaa kale oo Adis Ababa jooga Axmed Madoobe iyo Yuusuf xaaji; rag kalana waa la sheegaya laakiin lama hubo. Raggaas waxay meesha u joogaan sida la sheegayo dhex dhexaadin iyo wada hadal.

ONLF

Jabhadda ONLF waa 34 sano jir (1984). Waa urur waayo aragnimo dheer u leh la dagaalanka Itoobiya, wayna ka hor imaadeen fara galinta millatari ee Itoobiya ay ku samaysay dhulka iyo maamulka  Soomaalida; iyo saamigii shidaalka (5%) ee dhulka Soomaalida, waxayna sheegeen in ay caqab ku tahay wada hadalladdii la sugayey.

Waxaa kale, maalmihii dhawayd kacdoonkii Oromo-diidka ahaa, dadku waxay siteen calankii ONLF. Liyuuga ayaa lulaya calanka ONLF.

Waxaad mooddaa colaaddii u dhaxaysay ONLF iyo Liyuuga mid ka culus ayaa timid oo labadoodaba hal saf ka dhigtay.

Haddaba maxaa xigi kara?

Waxaan u kala qaadayaa

1) Xal Milatari (Xoog)

2) Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Xal Milatari (Xoog)

Hadday Itoobiya isku daydo in ay xiissadan xoog ku xalliso, maxaa dhici kara?

Ugu horrayn jabhadda ONLF waxay helaysaa fursad qaali ah iyo shacbiyad ay ku dardar galiso hawlaheedii gobanimodoonka ahaa oo markaan la’isla wada ogol yahay;  iyo waliba hub iyo ciidan Liyuu ah oo aad u fara badan.

Fursaddaasna ma dayici doonaan sida muuqata, sababtoo ah, waxaa soo deg degaya waxa khayaanooyin u’eg oo RW Dr. Abiyot Axmed ku kacayo sida: saamigii shidaalka; soo daalubidda Milatarigii Baadhame, wax ka qabasho la’aanta weerrarada Oromada iwm.

ONLF waan urur siyaasad ahaan qaan gaadhay, si fududna u abaabuli kara dagaallo Itoobiya ka dhan ah. Waxay heli doonaan saldhigyo dhaw oo Soomaalida dhexdeeda ah, iyadoo Soomaalida Jamhuuriyadda iyo maamulladooda  si fudud looga iibin/dhaadhicin karo khatarta iyo duullaanka Oromada iyo dhul ballaadhsigeeda.

Dadka deegaanku (dadka reer DDSI/reer Soomaali Galbeed/reer Ogaadeeniya) iyaguna waxay u dhaga nuglaan doonaan farriimaha sheegaya in ay dhulkooda ka difaacdaan Oromada wuxuushta ah (erayga “wuxuushta” anigu ma dhihin ee waa sida dadka lagu hawl galin doono) ee dhul ballaansiga doonaya, waxaana adkaan doonta in maamul Oromada ka dab qaata oo DDSI loo sameeyey uu saldhigto.

Dagaal waxaa billaaban doona leh ujeeddooyin is huwan. Waa dagaal isugu jira gobanimo doon iyo qowmiyad iska celin. Waa dagaal shacabku uu gali doono!

Xusuusnow, dagaallada noocaas ku billowda, waa kuwa ugu ba’an uguna khasaaraha badan, sababtoo ah, waa dagaal uu galayo shacab wax walba leh oo anshax la’aan ah. Waxaa suurowda in uu dhiiggu sidii biyihii meel walba u qul-qulo.

Wax yaabaha dhici doona waxaa ka mid ah, shacabka Soomaalida ayaa aad u layn doona Oromada, kadib sharciyadda ayaa faraha ka bixi doonta, dowladduna (Itoobiya) waxay si suuq madaw ah u hubayn doontaa shacabka Oromada, si ay isu difaacaan. Iyaguna dadka Soomaaliyeed ayey ka aar goostaan doonaan! Kadib Soomaalida waxaa gacan siin doona fawdada, waxayna heli doonaan hub iyo saanad hor leh. Kadib waxa dhici doona lama sawiran karo – waa baaba’ iyo hoog.  

Ciidanka Itoobiya waxay geysan doonaan burbur iyo baaba’ xoog leh, sababtoo ah, waxaa qabsan doona dagaal lagu gubto oo kor iyo hoos ah, waxaana laga yaabaa in ay waayaan Soomaali gadh qaada, oo ay xabbadda isaga dhigaan – sidii hore u dhici jirtay.

Waxay miciinsan doonaan hubka waawayn iyo duqaymaha diyaaradaha, kadibna waxaa halaagmi doona uun (makhluuqaad) wixii meelahaas ku nool! Oo ay iyaguna ku jiraan.

Taasu waa natiijada laga yaabo in ay dhacdo hadday Itoobiya maanta xiisadda taagan xoog ku xalli is dhahdo –  waa aragtidayda.

F.G. wax yaabaha ka sii dambayn doona kama hadlayo. Waxaa kale oo aanan Halkan kaga hadlaynin colaadda Oromada iyo Soomaalida dariska la’ah, ma ku fidi doontaa Soomaalida kale. Oromaduse ma Soomaali gaar ah ayey col la yihiin, mise Soomaali oo dhan waa isugu mid.

Xal Siyaasadeed (Xal nabadeed)

Sida kale ee xissadan lagu xallin karo waa in si ay Itoobiya hawshan si nabad ah u gasho. In ay Itoobiya xiisaddan si naba ah u xalliso ma fududa, sababtoo ah, waxaa kow ka ah in ay soo laabato kalsoonidii shacabka reer DDSI. Kalsoonidii shacabka reer DDSI ma soo laaban karto ilaa ay arrimahanu dhacaan:

1) In ay ciidamada milatarigu laabtaan

2) In weerrada Oromada la hakiyo

3) In ay Itoobiya si dhab ugu guntato colaadda Oromada iyo Soomaalida

4) In uu Ra’iisul wasaare Dr. Abiye Axmed raalli galin bixiyo

5) In ciidanka Liyuu Police sidooda loo daayo

6) In Cabdi Ilay la soo daayo oo uu dadka la hadlo, xilkiisana lagu celiyo ilaa laga tashanayo cidii badeli lahayd

7) In Soomaalidu nafis dareento si ay Oromadu nafis u dareemayso

8) In dib loo billaabo wada haddalladii ONLF iyo Itoobiya

9) In uu RW Dr. Abiye Axmed saamiga ugu badan ee shidaalka dhulkooda, u ogolaado Soomaalida

Lambarrada 1, 5 iyo 9 uma fududa Itoobiya in ay ogolaato!

Ugu dambayn, waxay ila tahay in ay Soomaalidu meel ay joogtaba u diyaar garawdo colaad iyo nabadba.

W.Q. Maxamuud Cabdisamad Xareed
soodir@outlook.com