SAADAQ Joon oo la hoos geeyay saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta la shaaciyay wareegto bartamahii bishii Maarso kasoo baxday taliska ciidanka Booliska, taas oo saldhigga booliska garoonka Aadan Cadde lagu hoos geynayo qeybta booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa soo saaray wareegtadaan uu taliska saldhigga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo baraha koontoroolada guur guura ku hoos geynayo taliska gobolka Banaadir.

Go’aankaan kasoo baxay taliska booliska ee maanta la faafiyay wuxuu saldhigga booliska garoonka hoos geynayaa Saadaq Cumar (Saadaq Joon) oo ah taliyaha booliska gobolka Banaadir, iyadoo mucaaradka ay shaki badan arintaan ka muujiyeen.

Saldhigga garoonka Aadan Cadde wuxuu markiisii hore hoos imaan jiray Laanta Canshuuraha booliska Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee la hoos geeyo taliska gobolka Banaadir.

Wareejinta ayaa dhacday kahor inta aanu furmin shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la rumeysan yahay in qorshahan looga dan lahaa laba qorshe oo mid uu yahay in lagu cadaadiyo musharaxiinta madaxweyne ee ka dhoofa garoonka iyo shirka Afisyoone ee ay ku sugan yihiin madaxda Jubaland iyo Puntland.

“Si loo dardargeliyo hawlaha ciidanka booliska la isuguna dubbarido hawlgallada qeybtfga guud ee booliska G/Banaair, labada fadhi e kala ah saldhigga boolisak G/dayuuradaha iyo fadhiga Bar-koontoroollada guur-guura (MVCP) waxaana si toos ah loo hoos-geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 18/03/2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaas oo mar si xan ah warbaahinta u faafisay ayaa hadda la shaaciyay, waxaana lagu soo beegay iyadoo shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Muddo la isku mari waayay shirar kala duwan, maanta waxey madaxda wada fadhiyaan teendhada Afisyooni iyadoo laga tashanayo ajandaha shirka heshiiska doorashada kaas oo ay beesha caalamka isku aadineyso.

Mucaaradka waxey u arkaan arin lagu carqaladeynayo shirka ka furmay Afisyooni, sidoo kalana waxey u arkaan wax aan waafaqsaneyn shuruucda dalka.