Xog: Saameyn intee la eg ayey XASAN SHEEKH ku yeelatay xukuumadda cusub ee R/W Cumar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Madaxweyne Xassan Sheekh dhismaha Xukuumada cusub ku waayay saaxiibadiisii ku wehlinaayay Siyaasada dalka, ayaa waxaa soo ifbaxay hoos u dhac ku imaaday Siyaasada Villa Somalia.

Hoos u dhac dhan waliba isugu jira ayaa laga dareemayaa Siyaasada dalka, taasi oo hoos u dhigtay xiriirkii DF Somalia kala dhexeysay Beesha caalamka, Siyaasada gudaha iyo booqashooyinka diplumaasiyiinta caalamiga ah ay ku imaan jireen dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa ka muuqaneysa niyad jab balaaran oo uu ka qaaday yagleelida Xukuumada R/W CC oo uu iminka ka shaleynaayo, waxa uuna iminka la daaladhacayaa Siyaasad ay bacriminayaan xubno aan saaxiib u aheyn hanaankiisa Siyaasadeed.

Faysal Cabdulle oo kamid ah aqoonyaahaanada inta badan ka faalooda arrimaha Somalia, ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu ku qasaaray Xukuumada hadda jirto, bacdamaa Siyaasadiisu ay kusoo uruurtay arrimaha gudaha.

Waxa uu aqoonyahaanka muujiyay in Madaxweynaha uu saaxiib u noqday aragtiyo kala duwan oo aan maslaxad u aheyn Siyaasadiisa gaarka ah, waxa uuna sheegay in xiligaani uu xooga saarayo in Gobolada dalka uu ku yeesho saaxiibo maadaama BF Somalia ay soo kooben Siyaasadii dardar galineysay Villa Somalia.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in Madaxweyne Xassan iminka ay hor boodayaan xubno ku cusub Siyaasada kuwaasi oo uu ka raadinaayo nacfi Siyaasadeed si uu u dhameysto mudada uga harsan kursiga, waxa uuna meesha ka saaray in Xassan uu xiligaani ku dhiirado inuu dib Somalia uga noqdo Madaxweyne.

“Haa waa arrin cid waliba u muuqan karto waayo waxa uu ku taamayey in hadii uu rido C/weli Sheekh uu la imaan karo Xukuumada uu raali ku yahay, balse ma dhicin oo BF ayaa ku dhaqaaqay is xulafeysi, taasina waxaa ku burburay Siyaasadii uu ka lahaa dalka, waxa ayna soo dadajisay in Villa Somalia ay ka caaganaato Siyaasada dibada iyo gudaha”

“Aniga ma filaayo inuu haminaayo in Somalia uu dib uga noqdo Madaxweyne. weydhici kartaa inuu dhaqaale ku bixiyo Xubno saaxiib u ah si ay iyaga u hogaamiyaan dalka isagana uu ugu hoos noolaado, maxaa yeelay Xasan waxaa ka careysan Siyaasada uu hada wado Caalamka intiisa kale”

Dhanka kale, waxa uu carabaabay in Siyaasada Xassan Sheekh ay kusoo idlaatay in Xubnaha saaxiibadiisa ah uu ku qanciyo Gobolada dalka si uu eed uga fogaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com