MADAX la amray in MAXKAMAD la soo taago !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa lagu amray in la horkeeno maxkamad ayna qaban karin wax shaqo ah oo ku saabsan maamulka Hiiraan.

Warqada oo uu ku saxiixnaa xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, waxaala lagu amray dhamaan hayahada amaanka iney soo xiraan dadkaasi ayna maxkamad soo taagaan.

Labada masuul ee la amray in maxkamad lasoo taago ayaa lagu kala sheegay Maxamed Ibraahim Cabdulaahi gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Hiiraan.

Gudoomiyaha magaalada Beledweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow, ayaa dhankiisa kamid ah dadka la amray in lasoo xiro maxkamadna lasoo taago.

Ma jiro ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda la amray in lasoo xiro maxkamadna lasoo taago, lamana oga rasmi ahaa sababta loo amray in dadkaasi lasoo xiro oo maxkamad lasoo taago.

La soco waxii kusoo Kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com