“Ugu dambeyn waxaa dhismi doona maamul ay dowlada Ethiopia wadato, sida wax u socdaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada dhexe ee Somalia ayaa ku taliyay in DF Somalia iyo Ethiopia ay faraha kala baxaan dhismaha Maamulka.

Siyaasiga, C/ladiif Maxamed Samatar waxa uu sheegay in dhismaha Maamulka ugu dambeyntiisu uu noqon doono mid kusoo biyo shubta Siyaasada Ethiopia.

“Ugu dambeyn waxaa dhismi doona maamul ay dowlada Ethiopia wadato, sida wax u socdaan” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Mustaqbal in Dadka oo loo madaxbaneeyo dhismaha Maamulkooda ay horseedeyso,wax wada qeybsiga Bulshada Gobolada dhexe, hase ahaatee waxa uu ka digay inay faragalin ku sameyso Dowlada Federaalka oo uu ku sheegay inay caburineyso Siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka.

Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday Khilaafka iminka ka dhextaagan odayaasha Cadaado iyo Dhuusamareeb inay ugu wacan tahay faragalinta is barbar socta oo DF iyo Ethiopia ay ku hayaan dadka deegaanka.

Dhanka kale, Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo, ayaan la dhacsaneyn qaabka ay DF u daadihineyso dhismaha Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com