“Ma dooneyno in sida PUNTLAND aan dowlada dhexe la tirsano, waxaa wadnaa qorshe kale…”

Cadaado (Caasimada Online) – Aqoonyahan Maxamed Siciid Cabdulle oo ka mid ah ergada ka qeybagaleysa shirka maamulka loogu sameynayo Gobolada dhexe, ayaa sheegay in Guddiga farsamada uu u gudbiyey soo jeedin isaga ka timid oo ku saabsan in marka la gaaro doorashada mas’uulka ugu sareeya ee maamulka hogaaminaya, halkii laga dhihi lahaa Madaxweyne, in lagu magacaabo Guddoomiye Goboleed.

Maxamed Siciid wuxuu sheegay in dalku leeyahay hal Madaxweyne oo keliya, shaqsiyaadka madaxda ka ah Gobolada dalkanna in ay noqonayaan Guddoomiye goboleedyo.

“Hab dhaqanka ay billaabeen Puntland ee ah in la isla simo Dowladdii dhexe waa inaan ka leexanaa, Puntland waa beel la tartamaya Dowladdii dhexe, annagu Dowladda dhexe ayaan hoos imaaneynaa, in calankii dalka la garab dhigo calan qabiil waa wax aan ku wanaagsaneyn qiyamka Soomaalinimada; qoddobkaas in laga doodo ayaan u gudbiyey Guddiga” Ayuu yiri Maxamed Siciid, wuxuuna intaa ku daray in aysan adduunka kale ka jirin Madaxweyne booqanaya Gobol dalkiisa ka mid ah oo Madaxweyne kale oo uu isa soo garab taagayo.

“Calamada ay sitaan maamulada waa ineey noqdaan astaan goboleed, tusaale: Minishiibiyada iyo Boolisku waxeey leeyihiin calamo lagu aqoonsado, ma dhici karto in Dowladii dhexe laga dhex abuuro Dowlad kale oo la surto calan kale, Madaxweynihii Qaranka la yiraa waa kula simanahay edab darradaas waa inaan aan ka baxnaa” Ayuu yiri Maxamed Siciid, isaga oo intaa ku daray in Madaxweynaha laftigiisa ay tahay inuu iska diido in marka uu tago Gobol dalka ka mid ah in loo soo dhoweeyo sida isagii oo dal kale tegay.

“Siddeey ku dhici kartaa in shaqsi Gobol ama beel meteyalaya in uu Madaxweynihii Qaranka la fuulo salaankii uu salaanta ku qaadanayey, sida labba Madaxweyne oo siman.? waa dhaqan waalan oo Soomaalida ku gaar ah oo ay Puntland inoo keentay; mana jirto adduunka meel uu ka jiro. Ma dhici kareysaa in R/wasaaraha Itoobiya haddii uu booqanayo Kililka 5-aad inuu garab isgaato Cabdi Ileey” Ayuu isweydiiyey Maxamed Siciid, wuxuuna soo jeediyey in dadka Gobolada dhexe ee Soomaaliya ka soo jeeda oo ku tilmaamay kuwa ku asteeysnaa weligood in yihiin waddaniyiin Soomaaliyeed oo xalaal ah in ay ka dhiidhiyaan dhaqanka Madaxweyne jaceylka ee lagu waxyeeleynayo haykalka Dowladnimadeena curdunka ah, ayna qaataan Guddoomiye Goboleed.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com