Beesha SALEEBAAN oo ku kala qaybsan shirka

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo beesha Habar Gidir ay markii horeba isku haysatay jilib jilib ayaa waxaa haddeer ku soo kordhay inay isu sii haysato jufo jufo.

Degmada Cadaado oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka furay usbuucii la soo dhaafay shir aan markii horeba la isku raacsaneyn ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya un Beesha Saleebaan ay u sii kala qeybsameyso jufo jufo hoose.

Labada jufo ee Saleebaan u kala baxo ayaa mid walba goonideeda ugu xusulduubaysa danaheeda iyadoo mid waliba ay weji ula tagayso dowladda iyo beelaha shirka ka soo qayb galay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu furayey shirka wuxuu sheegay inuu la yaabay in odoyaal mid walba uu metelayo jufo Saleebaan ah uu goonidiisa ugu soo dhuuntay.

Odoyaasha uu sida tooska farta ugu fiiqay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Xasan Guutaale iyo Baashi Nuur Lugeey oo igula taliyey ayuu yiri inaan caasimadda ka dhigo Dhuusamareeb. Sidoo kale Bashiir Dhoolayare iyo Maxamed Faarax Sandheere ayaa iyaguna goonidooda ula shiray Madaxweynaha.

Goobjoogayaal ku sugan shirka Cadaado ayaa xaqiijiyey inay ku mashquulsan yihiin heshiisiinta beesha Saleebaan dhexdeeda, kaddibna waxaa na sugeysa ayuu yiri inaan heshiisiino Saleebaan iyo Ceyr, Sacad iyo Saleebaan, Ceyr iyo Sacad, Saruur iyo Ceyr, Saleebaan iyo Saruur, Sacad iyo Saruur, kaddibna mid walba dhexdiisa aan u heshiisiino, mana la hubo taas in guul laga keeni doono.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com