Muqdisho: Xildhibaano u digay XASAN Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka horyimaaden in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu maalmaha soo socdo uu u amba baxo Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxay ka horyimaaden Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland loo sameeyay, oo ay ku sheegeen inaanan si cadaalad leh looga soo dhex xulin beelaha deegaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa si adag ka digay in Madaxweynuhu uu u amba baxo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaan maqalnay marka Madaxweynaha uu ka soo laabto dalka Jordan inuu taggi doono Magaalada Kismaayo, si uu ugu hambalyeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Maamulka Jubba.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Anaga waxaas kama yeeleyno mana aqbali doono. Anagaa soo dooranay Madaxweynaha, wuxuuna meesha ku jooggaa codkeena, mana taggi karo Magaalada Kismaayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Maamulka Axmed Madoobe waa mid cadaalad daro ku dhisan. Dadka ayaa la isaga dilaa Kismaayo wax uu ka qabtana malaha. Si horudhac ah ayaan Madaxweynaha kaga digeynaa inuu Kismaayo taggo.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir oo ka garab hadlaayay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa wuxuu ku baaqay in Dowladda Somaliya ay la xisaabtanto Madaxda Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xilli uu ku eedeeyay inay horey u jebiyen heshiiskii Magaalada Addis Ababa, ay Dowladda ku wada saxiixdeen.

Toddobad ka hor, ayaa waxaa Magaalada Kismaayo isaga tagey Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Gedo, ka dib markii ay sheegeen inaanay Odayaasha Dhaqanka u madax banaanayn soo xulista Xildhibaanadda.

Urur Goboleedka Igad, ayaa si xoogan loogu eedeeyay inuu fara-gelin xoogan uu ku haayo soo xulista Xildhibaanada, walow uu Maamulka Jubbalanad waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com