Dagaallo culus oo ka dhacay JUBBADA HOOSE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu qaatay dhowr saac, kaasi oo u dhexeeyay Laba beel walaalo ah oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhashay dhul beeleed la sheegay in uu ku yaalo duleedka Hosingow, waxaana la xaqiijiyay in ilaa Afar ruux ay dagaalkaasi ku geeriyooden, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay Seddex.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in weli Maleeshiyaadka dagaalamay ay is hor fadhiyaan, mana jirto cid kala dhex gashay si xaalada loo qaboojiyo.

Aadan Ibraahim Dhaqane oo ah Gudoomiyihii hore ee deegaanka Hosingow ayaa sheegay in Dagaalka iyo dhibaatada ka dhashay ay gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM, kaliyana loo baahan yahay inay iyaga xaliyaan.

Dadka deegaanka ayaa maanta halkaasi kala baxay agabkooda, si ay kaga gaashaantaan dhibaatada uu ku reebi karo dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com