Saameyn intee la’eg ayaa ka dhalatay abaarta ku dhufatay Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirta saameynta ka dhalatay abaaraha ku dhuftay dalka, taas oo loo gudbiyey ergeyga gaarka ah ee arimnaha bani’aadanimada Cabdixamaan Cabdishakuur.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in baarta ka jirta dalka ayaa saameyn daran ku yeelatay illaa 66 degmo oo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee ku yaalla dalka.

Warbixinta guddiga ee loo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdiashakuur Warsame ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka wajahaya biyo la’aanta iyo cunno yarida lagu qiyaasay in ay gaartay 6.9 Milyan, kuwaas oo haatan u baahan gurmad bani’aadanimo.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu muujiyey in laga cabsi qabo in bilaha soo socda ay gaarto qiyaasta illaa 8 Milyan oo u dhiganta 50% tirada guud dadka ku nool gudaha Soomaaliya.

Gabagbadii xubnaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa sheegay in UN-ka iyo hay’adda kale ee gargaarka ay shaaciyeen in 7.7 Milyan oo dadka ah ay sanadkan u baahan yihiin gargaar balse la caawinayo 5.5 Milyan oo ah kuwa nugul, sida lagu sheegay warbixinta.

Soomaaliya oo ka soo gudubtay marxaladdii doorashada ayaa haatan wajaheyso xaalad bani’aadantimo oo adag, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya oo markii la doortay kadib kulan la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono gurmadka abaaraha, isagoo kadib magacaabay ergey loo xilsaaray abaaraha.