Muqdisho (Caasimada Online) – Saameynta beesha caalamka ee gudaha Soomaaliya, gaar wakiilada ku sugan xerada Xalane ayaa hoos u dhac ku yimid, sida ay muujiyeen xubno ka tirsan mucaaradka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiye mucaarad ah ayaa qiray in kaalinta beesha caalamka ay sannadihii la soo dhaafay isbeddeshay, isla markaana ay maanta badankoodna indhaha ka daawanayaan arrimaha ka taagan Soomaaliya, oo ugu horreeyo khilaafka siyaasiga ah.
Warsame ayaa aaminsan in Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay si buuxda u xalisato arrimaheeda, isagoo muujiyay muhiimadda sii jiritaanka ee beesha caalamka iyo sida lama huraan u tahay ilaalinta dheellitirka arrimaha Soomaaliya.
“Anigu ma aaminsani in Soomaalidu weli gaareen heer ay si madax-bannaan arrimahooda u xallin karaan. Sidoo kale, ma u malaynayo in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee maanta ay gaarsiisan yihiin heerkii kuwii ka horreeyay,” ayuu yiri Warsame oo ka qeyb-galay dood siyaasadeed oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Waxa uu intaas kusii daray “Kaalinta beesha caalamku sannadihii la soo dhaafay wey is-beddeshay, mararka qaar waxay aheyd ciyaartooy garoonka ku jira, mararka qaarna garsoore bannaanka ka xukuma, maantana badankood waa daawadayaal.”
Warsame ayaa si cad u sheegay in si toos ah ula xiriiran wakiilada beesha caalamka, marka ay dacwada ka yihiin dowladda, si ay xayndaabka ugu celiso hoggaanka tallada haya.
“Mucaaradka iyo dowladda federaalka labaduba si joogto ah ayey ula kulmaan xubnaha loo yaqaan QM, Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, oo sheegay in dhinacyadan ay saameyn ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka, iyadoo ku xiran hadba heerka saameyntooda.
“Beesha caalamku weli waa lama huraan, loo baahan yahay kaalintooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Si kastaba, khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya.

