Tehran (Caasimada Online) – Dunida oo dhan waxa isha lagu hayaa xiisadda dib uga soo cusboonaatay gobolka Bariga Dhexe, taas oo ka dhex aloosan Iiraan iyo Israa’iil.
Meelo badan ayaa durba laga dareemay saamayn cabsi dhaqaale oo caalami ah. Qiimaha shidaalka ayaa sii kacaya, iyadoo la is weydiinayo waxa dhici kara haddii ay Iiraan xidhxidho gacanka muhiimka ah ee Hormuz, halkaas oo saliidda maraysa lagu qiyaaso 17.2 milyan oo foosto maalintii.
Cabsi amni oo barbar socota tan dhaqaale ayaa waddamo badan qabaan. Dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed, oo ay Soomaalidu ka mid tahay, ayaa ugu horreeya, sida ay qabaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo arrintan BBC-da uga warramay. Waxaa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar, oo muddo dheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dhigay jaamacado ku yaalla Mareykanka.
“Deegaan ahaan, aniga iima muuqato dhibaato toos ah oo soo gaadhi karta Soomaalida, maadaama ay juqraafi ahaan kala fog yihiin. Iima muuqato hub la faniinayo in uu soo gaadhi karo Geeska Afrika. Ma garanayo haddii wax kale dhacaan, sida in la isu adeegsado nukliyeer – taasina dunida oo dhan ayay aafaynaysaa.
Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka imanaysaa dhinaca dhaqaalaha. Maraakiibta maraysa xeebaha Soomaalida, Marinka Suweys iyo Gacanka Cadmeed ayaa laga yaabaa in ay arrintani saamayn ku yeelato, sida in ay joogsadaan ama uu sicir-barar ku yimaaddo. Saamayn kale waa in dagaalku u gudbo Gacanka Hormuz iyo waqooyiga Badweynta Hindiya,” ayuu yidhi.
Aragti la mid ah waxa qaba Barafasoor Maxamed Xaaji Ingiriis oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, haatanna cilmi-baadhe ka ah Akademiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King’s College London.
“Soomaaliya waxay halbowle u tahay saliidda ka soo baxda Bariga Dhexe ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baab Al-Mandab. Saamaynta ugu horraysa waa tan dhaqaale iyo ganacsiga Soomaalidu la leedahay waddamada Bariga Fog. Saamayn kale waa dhanka hawada, oo durba diyaarado badan oo caalami ah joojiyeen isticmaalka hawada waddamo qaar.”
Shidaalka iyo soo dejinta badeecadaha kale
Inta badan wax-soo-saarka Geeska Afrika ayaa hooseeya. Si gaar ah, colaadaha iyo caqabadaha amni ee Soomaaliya waxay hoos u dhigeen wax-soo-saarka beeralayda, iyadoo ay u dheer yihiin abaaro soo noqnoqda iyo fatahaado meelaha qaar.
Inkasta oo dhinaca dhoofka xoolaha, qiyaas sannadkii 2023 lagu sheegay in ilaa 70% xoolaha Soomaalida – oo isugu jira geela, lo’da iyo adhiga – qiimahooda lagu qiyaasay $1 bilyan loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga, haddana waxa jira caqabado ay wajahayaan. Dalal ay ka mid yihiin Shiinaha ayaa joojiyay xoolo ay ku jiraan kuwa Soomaalida.
Taas beddelkeeda, inta badan maciishadda – oo ay ku jiraan cuntooyinka maalinlaha ah – waxa ay ka yimaaddaan waddamada dibadda. Haddii colaadda gobolka ku baahdo, waxa la filan karaa in saamayn ku timaaddo helitaanka badeecadaha, raashinka ugu horreeyo.
Professor Ingiriis ayaa arrintan ka yiri: “Dhaqaalaheenna iyo waxa laga cuno gudaha waddanka waxay ku tiirsan yihiin badeeco laga soo waarido waddamo dibadda ah sida Shiinaha iyo Thailand, kuwaas oo soo mara Dubai. Waxa kici doona maciishadda quutal-daruuriga ah iyo shidaalka. Saamaynta waxa keenaya goobta ay Soomaaliya ku taallo oo ah mid istiraatiiji ah.”
Sidee ayay u saamaynaysaa amniga?
Arrin kale oo muhiim ah waa midda amniga. Iiraan waxay taageertaa xoogag hubaysan, oo ay ku jiraan Xuutiyiinta, kuwaas oo masaafo aan badnayn u jira Soomaaliya. Gudaha dalka waxa ka dagaallama kooxo hubaysan.
“Haddii dunidu ay gasho dagaal saddexaad, waxa ay Soomaalida ku yeelan kartaa saamayn togan iyo mid taban. Tan ugu horraysa waa in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku dagaallamaan quwadaha waaweyn ee dunida. Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha ka jirta ayaa sababi karta in la kala safto, awoodaha hirdamaya ee Galbeedka iyo kuwa ku bahoobay BRICS,” ayuu yidhi Barafasoor Cabdiwahaab Cabdisamad, oo ah cilmi-baadhe madax ka ah Machadka Daraasaadka iyo Istaraatiijiyadda ee Afro-Asia.
“Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya sida Daacish ama Al-Shabaab waxa ay xiisaddan u abuuri kartaa isbahaysi cusub. Waxaa dhici karta in ay la safato Iiraan oo ay taageero u muujiyaan. Haddii xukuumaddu la safato Reer Galbeedka oo saldhig laga siiyo Soomaaliya, waxa dhici karta in kooxahaasi taageero ka helaan ururrada Islaamiga ah oo kiciya Soomaaliya. Waxa kale oo dhici karta in ay soo baxaan Soomaali ‘waddaniyiin ah’ oo arrintan ka faa’iidaysanaya. Haddii xukuumaddu la safato, waxa dhici karta in kooxahaasi is abaabulaan si ay xukuumadda u ridaan oo ay la saftaan BRICS,” ayuu raaciyay.
Midda togan, ayuu Barafasoor Cabdiwahaab ku sheegay adeegyada dekedaha Soomaalida qaarkood oo kor u kici kara haddii maraakiib badan ka caga jiidaan marinnadii hore ee ay isticmaali jireen.
“Midda la dhihi karo Soomaalidu way ka faa’iidaysan kartaa waa haddii ay dhexdhexaad ka noqoto waxa dhacaya. Taasi waxay keenaysaa in Soomaaliya la nabadeeyo si maraakiibta shixnadaha wada ay si nabad ah ugu maraan. Faa’iidada ugu weyn ee la heli karo waa in dekedaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo la horumariyo. Haddii dagaalku xoogaysto oo aan alaab laga keeni karin Dubai, Qatar iyo Cumaan, waxa ay fursad u noqon kartaa dhaqaalaha Soomaaliya in uu kobco.”
Walaac kale oo laga qabo haddii aan xal loo helin colaadda Bariga Dhexe ayaa ah in qaxooti tiro badan oo ka firxanaya dagaalka ay ku soo qulqulaan gobolka Geeska Afrika, sida uu ku doodayo Barafasoor Samatar:
“Xagga nabadgalyada, dhibaato badan ayuu keeni doonaa. Waxa dhici karta in dad badan oo qaxooti ah ay Geeska soo galaan, sidii hore uga dhacday dalka Yemen.”
Gargaarka la siiyo Soomaalida oo halis geli kara
Waxaa hoos u dhac weyn ku yimid hawlihii mucaawinooyinka ee Soomaaliya, iyadoo hay’ado badan ay ka digayaan cunno yaraan soo wajahda malaayiin Soomaali ah.
Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ay dib u qiimeyn ku sameeyeen mudnaanta shaqadooda, iyadoo Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ee ka hawlgala Soomaaliya hadda bartilmaameedsanayaan 1.3 milyan oo qof – taas oo ka dhigan hoos u dhac 70% ah marka loo eego tiradii hore ee 4.6 milyan oo qof.
“Wax-soo-saarka beeraha, dhoofka xoolaha, iyo badeecooyinka kale ee dibadda loo dhoofiyo waxa laga yaabaa in ay hakadaan, ama dadka iibsan jiray aysan heli karin. Soomaalidu intooda badan waa dad ku nool wax dibadda laga keeno. Taasi waxay keenaysaa in sicirka maciishaddu sare u kaco, ama xitaa la waayo gebi ahaanba. Haddii taasi dhacdo, jaago ayaa dhici karta,” ayuu yidhi Professor Axmed Ismaaciil Samatar.
Xiisadda ka dhex aloosan Iiraan iyo Israa’iil waxay gashay maalintii afraad, iyadoo dhinacyadu is dhaafsanayaan weerarro dhanka hawada ah. Inkasta oo baaqyo caalami ah ay socdaan oo lagu doonayo in xiisaddan lagu soo afjaro, haddana lama oga sida ay wax uga tari karaan colaadda Bariga Dhexe oo muddo dheer ahayd mid aan xal waara loo helin.
W/Q: Nimaan Osman, BBC Somali