29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Saameynta go’aanka DF Soomaaliya ee burinta heshiisyada Imaaraadka

By Abdikadir M. Hassan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aanka taariikhiga ah ee ka soo baxay Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 12-ka Janaayo 2026, waa mid beddelaya wajiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka ee Geeska Afrika.

Go’aankan, oo si toos ah u burinaya dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) gaar ahaan kuwa khuseeya dekedaha istiraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo iskaashiga milatari waa tallaabo culus oo dib loogu soo celinayo haybadda dowladnimo. Qormadani waxa ay falanqeynaysaa afarta tiir ee ugu muhiimsan ee ka dhalanaya go’aankan.

Go’aanka iyo faa’iidada uu u keenayo midnimada Soomaaliya

Go’aanka Golaha Wasiirada waxa uu xambaarsan yahay faa’iidooyin waaweyn oo dhanka midnimada iyo dib-u-yagleelidda dowlad dhexe oo awood leh, waana tallaabo lagama maarmaan u ahayd soo celinta “Qaranimo Dhammaystiran.” Iyada oo go’aankaan uu toos u taabanayo dakadaha ay Imaraadka joogaan ee dhaca Waqooyiga illaa Koonfurta Soomaaliya.

Go’aankaan waxa uu Soo Afjarayaa Siyaasadda Is-barbar Yaaca ah ama afka qalaad lagu yiraahdo (Foreign Policy Fragmentation). Dhibaatada ugu weyn ee haysatay Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd in dowlad goboleedyada qaarkood ay u dhaqmayeen sidii dowlad-madax-bannaan oo xiriira toos ah la sameynaya dalal shisheeye.

Burinta heshiisyadaan waxa ay soo xireysaa albaabkii cid waliba ay soo galeysay ee dowladda kaga furnaa dhanka maamul goboleedyada kaasi oo si didban u ahaa (divide and rule) ee shisheeyuhu isticmaalayay.

Marka Dowladda Federaalka ay laasho heshiisyada dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxa ay diraysaa farriin cad oo ah in hal albaab oo kaliya laga soo geli karo Soomaaliya, kaasna uu yahay Muqdisho.

Go’aankaan waxa uu xaqiijinayaa Madaxbannaanida Dhuleed iyo Dhaqaale ee dalka. Dekedaha waa ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha iyo amniga qaranka. In maamul shisheeye (sida DP World) uu gacanta ku hayo dekedaha ugu muhiimsan dalka iyadoo aan ogolaansho buuxda laga haysan dowladda dhexe ama baarlamaanka qaranka, waxa ay ahayd xadgudub dastuuri ah.

Go’aankan waxa uu dib u soo celinayaa awoodda maamul ee kheyraadka dalka, taas oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay heshiisyo caalami ah oo hufan la gasho maalgashadeyaal ixtiraamaya sharciga dalka iyo madax-banaanidiisa.

Tallaabooyinka noocaan ah waxa ay inta badan abuuraan mowjado waddaniyadeed. Shacabka Soomaaliyeed oo arkayay saameynta taban ee faragelinta shisheeye gaar ahaan tan Imaaraadka oo iyadu dagaalo badan oo ka holcaya Yemen iyo Sudan ku leh, go’aankan waxa uu u noqonayaa mid ay ku diirsadaan.

Waxa ay mideyneysaa bulshada in ay arkaan dowlad difaaceysa sharafta calanka, taasina waxa ay yareynaysaa isku-haleynta maamul-goboleedyada, iyadoo xoojinaysa tiirka dowladda dhexe.

Saameynta taban ee uu ku yeelan karo Imaaraadka Carabta

Go’aankan waxa uu dharbaaxo weyn oo dhanka istiraatiijiyadda iyo dhaqaalaha ah ku yahay Dowladda Imaaraadka Carabta, taasoo sanado badan maalgelinaysay sidii ay u maamuli lahayd marinnada biyaha ee Geeska Afrika.

Luminta Gacan-ku-haynta Marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya: Istiraatiijiyadda Imaaraadka ee loo yaqaan “String of Pearls” ama silsiladda dekedaha, waxay ku dhisnayd in ay maamulaan dekedaha Berbera, Boosaaso, iyo kuwo kale oo Yemen ku yaalla si ay u xakameeyaan ganacsiga caalamiga ah. Soomaaliya oo albaabada ka xiratay Imaaraadka waxa ay ka dhigan tahay in silsiladdii go’day, taasina waxa ay wiiqeysaa awooddii ay ku lahaayeen maamulka marinka Baab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya.

Shirkadda DP World iyo hay’adaha kale ee Imaaraadka waxa ay malaayiin dollar galiyeen dhismaha iyo ballaarinta dekedahaas.

Burinta heshiisyadaas oo ah kuwo sharci darro ku tilmaaman dastuurka Soomaaliya awgeed, waxa ay Imaaraadka u horseedi doontaa khasaare maaliyadeed oo toos ah, maadaama aysan haysan sharciyad caalami ah oo ay ku sii joogaan dhul Soomaaliyeed oo dowladdii dhexe ay ka eriday, sida dhacdadii ay kala kulmeen Jabuuti.

Haddii Soomaaliya ay qaadato go’aankan, waxa ay dhiirrigelin kartaa dalal kale oo Afrikaan ah oo dareensan culeyska faragelinta Imaaraadka in ay qaadaan tallaabooyin la mid ah. Tani waxa ay meesha ka saareysaa riyadii Imaaraadka ee ahayd inay noqoto “Quwadda Dhexe” ee maamusha siyaasadda Geeska Afrika.

Sumcadda Imaaraadka ee sii xumaaneysa

Go’aanka Soomaaliya ma aha dhacdo gooni u taagan, balse waa qayb ka mid ah silsilad guuldarrooyin ah oo soo wajahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka sanadihii u dambeeyay (2020-2026).

Sida la ogsoon yahay, isbeddelka siyaasadeed ee 2024-2025 waxa uu keenay in Sacuudiga, Masar, iyo Turkiga ay sameystaan isbaheysi istiraatiiji ah oo ujeedkiisu ahaa xasilinta Badda Cas.

Isbaheysigan waxa uu si tartiib-tartiib ah u wiiqay saameynta Imaaraadka ee Koonfurta Yemen iyo jasiiradda Socotra, iyagoo u arkayay ajandaha Imaaraadka mid khatar ku ah amniga guud ee Carabta iyo gobolka madaama ay ku daabantahay Isra’iil. Ka saarista Imaaraadka ee saxaadda Yemen waxa ay muujisay in awooddooda milatari iyo diblumaasiyadeed aysan u babac-dhigi karin markii quwadaha waaweyn (Regional Powers) ay midoobaan.

Faragelintii Imaaraadka ee Liibiya, halkaas oo ay ku taageerayeen Jeneral Khaliifa Haftar, waxay ku dhammaatay fashil kadib markii Turkiga uu si toos ah u soo farageliyay, difaacayna dowladda sharciga ah ee Tripoli. Tani waxa ay cashar u noqotay dalalka gobolka in “Lacagta iyo Calooshood u shaqeystayaasha” (Mercenaries) aysan ka adkaan karin istiraatiijiyad dowladnimo oo nidaamsan.

Doorka Imaaraadka ee lagu eedeeyay inay hurinayso dagaalka Suudaan iyadoo taageeraysa kooxaha RSF (Rapid Support Forces), ayaa sababay in caalamka oo dhan, gaar ahaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ay si adag isha ugu hayaan falalkooda.

Sumcadda Imaaraadka oo horay loogu yaqiinnay ganacsi iyo dalxiis, ayaa hadda isu beddeshay mid lala xiriiriyo “burburinta dalalka Islaamka.” Go’aanka Soomaaliya ee Janaayo 12, 2026, waxa uu soo xirayaa wareeggaas, isagoo caddeynaya in dalalkii ay isku dayeen in ay galaan ay mid mid u soo tufayaan, taasina waxa ay Imaaraadka ka dhigaysaa dal go’doon ah oo aan saaxiib dhab ah ku lahayn gobolka.

Caqabadaha hirgelinta iyo iska-caabinta maamulada

Inkasta oo go’aanku yahay mid dastuuri ah oo geesinimo leh, haddana dhaqan-galkiisu waxa uu wajahayaa caqabado dhab ah oo ka imaanaya xaqiiqada siyaasadeed ee gudaha.

Somaliland, oo sheegata madaxbannaanida, waxa ay u aragtaa heshiiska DP World ee Berbera mid “Aayo-ka-tashi” ah. Maadaama ay dhaqaale badan iyo aqoonsi dadban (soft power) ka helaan xiriirkaas, waa hubaal in ay si adag u diidi doonaan go’aanka Muqdisho.

Dowladda Federaalku ma awooddo in ay xoog ku tagto Berbera, laakiin waxa ay isticmaali kartaa “Sharciyadda Caalamiga ah.” Maadaama shirkadaha caymiska maraakiibta iyo bangiyada caalamiga ah ay u hoggaansamaan sharciyada dalka (Sovereign Laws).

Dowladda Federaalku waxa ay dacwad ku furan kartaa shirkadaha ka shaqeeya Berbera, iyadoo ku eedeynaysa xadgudub ka dhan ah qaranimada, taasoo ka dhigi karta maalgashiga mid khatar badan oo ay shirkaduhu ka cararaan.

Maamulka Puntland waxa uu inta badan xiriir dhow la lahaa Imaaraadka, iyadoo ciidanka PMPF ay yihiin kuwo ay mushaarka siiso Imaaraadku, sidoo kale Saciid Deni ayaanan marnaba ka hor imaan karin cidda quudisa ee UAE.

Waxa tusaale kugu filan markii Israa’iil ay Soomaaliland siisay aqoonsiga halka dhinac ah waxa amar dul-dhigay wasiirada maamulkiisa isagoo ku amray in aanay cabaareyn, iyadoo wasiirka warfaafinta oo si adag ugu hadlay uu raali galin ka bixiyay, balse markii ay Imaaraadka Carabta cambaareysay ayaa Deni uu isna isasoo taagay isagoo ku tilmaamay “Khatar Weyn”.

Halkan Dowladda Federaalku waxay u baahan tahay diblumaasiyad iyo Dhaqaale “Diplomacy & Finance.” Waa in dowladda dhexe ay la timaaddaa qorshe ay ku bixinayso mushaaraadka ciidamadaas oo ay ku qarameyso, kana jarto ku tiirsanaanta Imaaraadka.

Sidoo kale, cadaadis shacab iyo mid odayaal dhaqameed ayaa loo isticmaali karaa in maamulka lagu qasbo inuu u hoggaansamo go’aanka qaranka, maadaama shacabka Puntland yihiin kuwo waddaniyaddu ku weyn tahay, sidoo kale warar maalmihii ugu dambeysay ay qoreysay saxaafadda gudaha ayaa sheegay in dowladda ay halkaasi geysay ciidamo gaaray 5,000 oo ka tirsan kuwo xoogga dalka.

Dhanka Jubbaland iyadu waxay ku jirtaa xaalad xasaasi ah. Ciidamo iyo taageero dhaqaale ayay ka heshaa Imaaraadka, taas oo sababtay in ay ka hor yimaadaan go’aanka dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalku waxa ay isticmaali kartaa awoodda hawada iyo maamulka xuduudaha. Joojinta duulimaadyada aan fasaxa haysan iyo cunaqabateyn dhaqaale oo gudaha ah ayaa lagu qasbi karaa maamulka inuu soo galo xayndaabka dowladda.

Waxaa intaas dheer, ka faa’iideysiga khilaafaadka gudaha ee maamulladan iyo toos u la hadalka bulshada ayaa wiiqi kara awoodda hoggaamiyeyaasha ku tiirsan Imaaraadka.

Gunaanadka

Go’aanka 12-ka Janaayo 2026 waa mid taariikhi ah oo dib u saxaya khaladaadkii tobankii sano ee la soo dhaafay,axa uu soo celinayaa sharaftii qaranka, waxa uuna dharbaaxo ku yahay siyaasadda fashilantay ee Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, guusha go’aankan waxay ku xiran tahay awoodda Dowladda Federaalku u yeelato inay beddel dhaqaale iyo mid amni u samayso maamulada gobollada, iyo in ay si hufan u isticmaasho dublamaasiyadda carabta.

W/Q: Abdikadir M. Hassan, Master Degree Student of Journalism at Erciyes University, Turkey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News