Saameynta ITOOBIYA ee gudaha Somalia oo si weyn u soo ifbaxday – Maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay lugaha lasii galeysa mid kamid ah dhibaatooyinka laga dhaxlo nidaamka federaalka, waana barbar yaaca dowladda dhexe ama u adeegida dalal shisheeye.

Tan iyo markii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku dhowaaqday inay ciidanka Itoobiya ka baxayaa dalkan daba-yaaqada sanadkaan, waxaa banaanka soo istaagay maamul goboleedyo diidan go’aankaas, ama si kale markii loo dhaho waxaa soo muuqatay saameyn Itoobiya ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxay arrinta bixintaanka ciidanka Itoobiya ka qaateen go’aan isku mid ah, kaas oo ah “waa in laga wada-hadlaa bixitaanka ciidanka Itoobiya.”

Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Jubbaland iyo wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed waxay labaduba idaacadda VOA u sheegeen inuu arrinkaan u baahan yahay inay ka wada-hadlaan iyaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya

Tani macnaheedu waa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu haysto shaqadii uu dastuurka u baneeyay.

La-macaamilka dowlad kale, deris ama mid fog middii ay tahay wax door ah kuma lahan maamul goboleedyada, waxaase muuqata inay Itoobiya go’aansatay inay madaxweyne Xasan Sheekh kula dirirto gudaha dalka.

Diidmada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee bixitaanka ciidamada Itoobiya waxay kusoo aadeysa xilli ay Itoobiya go’aansatay inay qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Dabacsanaanta madaxweyne Xasan Sheekh ee maamul goboleedyada ayaa dhinaca kale u muuqata inay dalkii gaarsiisay in maanta la arko maamullo ku dhiiran kara inay diidaan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waa labada maamul goboleed ee ugu badan ee ay maanta joogaan ciidanka Itoobiya.