Garbahaarey – (Caasimadda Online)Wararka caasimadda Online kasoo gaarayo Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa tibaaxayo inuu halkaas isku daldalay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howgalka Midowga Africa ee Soomaliya ka socdo.
Sarkaalkan oo aan weli helin magaciisa ayaa la xaqiijiyey inuu halkaas naftiisa isku dhaafiyey sababo ay dad badan la yaabeyn awgeed.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inuu is dal dalay kadib markii uu waayay fasax uu ku doonayay inuu ku aado dalka Itoobiya .
Sarkaalkan ayaa la sheegayaa inuu isku dl dalay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ka gadaal markii sarkaal isaga ka sareeya uu ka dalbaday inuu siiyo fasax laakiinse loo diiday, waxaana la sheegayaa in sababtaasi ay keentay inuu is dal dalo.
Sarkaalka is dilay ayaa xaaskiisa iyo ilmihiisa arkin muddo badan wuxuuna rabay inuu booqdo qoyskiisa oo dagan gudaha Itoobiya balse markii arrintaas loo diiday ayuu ku dhaqaaqay falkaan uu naftiisa isku dhaafiyey.
Ma jirto wax faah faahin ah oo kasoo baxay saraakiisha itoobiya oo ku aadan is dal dalaada sarkaalkan itoobiyaalka ah , waxaana la filayaa inay arrintaas ka hadlaan madaxda ugu sarreyso ee Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]