Farmaajo oo qaati ka taagan Beelaha iyo Kheyre oo halis ugu jira inuu ku dhaqaaqo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo uu ku jahwareersan yahay dalabyada kaga imaanaya Beelaha qaar.

Beelaha qaar ayaa la sheegayaa in Madaxweynaha Somalia Farmaajo ay ku cadaadinayaan in laga bedelo Wasaaradaha lagu qoray, halka qaarna ay dalbadeen in lasiiyo ballanqaadyo ku aadan dhowr Agaasime Wasaaradeed iyo Waaxyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka biya diidan in dib loogu laabto Liiska Golaha Wasiirada ee iminka la diyaariyay waxa uuna Beelaha u cadeeyay inuusan wax ka bedeli doonin heshiiskii hore.

Madaxweynaha waxa uu Beelaha ka diiday inay la imaadan dalab ama shuruudo ku aadan in lasiiyo Wasaarad gaar loo cayimay.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa isna la sheegay inuu ku wareersan yahay isbedelada ku imaanaya Beelaha, waxa uuna iminka qarka u saaran yahay inuu dib uga laabto dhowr Wasaaradood oo ku cusub Xukuumada.

Ra’isul wasaaraha ayaa Beelaha qaar ugu goodiyay inuu siin doono Kuraasta uu u arko inay munaasab ku tahay, haddii kale ay ku qancaan kuwa hadda lasiiyay.

Kheyre ayaa isaga doonaayay in Golaha lagu soo koobo ilaa 20 Wasaaradood, waxa uuna iminka qarka u saaran yahay inuu ka laabto Kuraasta dheeriga ah ee lagu biiriyay.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay qaatan go’aan cusub waa haddii uu sii socdo dooda laga keenaayo hanaanka loo kala qeybsaday Kuraasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com