Shan tujaar oo Adduunka caan ka ah oo aan soo marin waxbarashada heer jaamacadeed

Inaad aado koolejka isla markaana aad kasoo qalin jebiso ayaa ku bareysa cashirro badan oo muhiim u ah sidii aad qaab wanaagsan ugu diyaarin laheyd cutubka xigga ee noloshaada. Laakiin taasi kuuma xaqiijineyso inaad fursado badan u heli doontid inaad mustaqbalka guul ka gaarto nolosha.

Si kastaba ha ahaatee, sidaas oo ay tahay ma jiro qof kugu xujeyn kara inaad u baahan tahay inaad soo dhammeysato koolejkaaga si aad guulo u gaarto mustaqbalka. Tusaale ahaan, maanta waxay halkaan kuugu soo gudbineysaa shabakadda caasimadda.net  SHAN shaqsi oo caan ah isla markaana tujaariin ah kuwaasoo aan marnaba soo dhammeysan koolejka.

Bill Gates – Waxaa lagu qiyaasaa hantidiisa 85.7 bilyan oo dollars, waana ninka ugu taajirsan meerahaan. Inkastoo uu Bill Gates sidaas u sameeyey dhaqaale farabadan hadana ogoow in uusan caruurnimadiisii kasoo qalin jebin koolejka.

Mark Zuckerberg – Kaalinta labaad ee liiskaan waxa akasoo muuqday Mark Zuckerberg, guddoomiyaha ahna aasaasaha shabakadda Facebook. Inkastoo uu weli Mark 32 sanno jir yahay, wuxuu hadana nasiib u yeeshay inuu tacbado hanti lagu qiyaasay 56.7 bilyan oo dollars wuxuuna lacagtaan ka sameeyey baraha bulshada, oo uu ugu horreeyo Facebook iyo Instagram, wuxuuna wax kasoo bartay jaamacadda Harvard University.

Larry Ellison – Kaalinta seddaxaad ee liiskaan waxaa ku jira Larry Ellison waa mid ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn ugu lug yeeshay inuu adduunku si wanaagsan ugu xiriiro internetka hantidiisa waxaa lagu qiyaasaa 51.9 bilyan oo dollars, laakiin abid sooma dhammeyn waxbarashada aasaasiga ah. Wuxuuna laba sanno dhigtay jaamacadda University of Illinois.

Sheldon Adelson – Wuxuu caan ku ahaa inuu ahaa guddoomiyaha Las Vegas Sands, hantidiisu waa ku dhowaad 31 bilyan oo dollars, inkastoo uu maamulay 50 ganacsi oo kala duwan hadana abid ma uusan baran waxbarashada aasaasiga ah isagoo 12 sanno jir ah ayuuna iibinta joornaalka ka bilaabay Boston halkaas ayuuna u maray waayihiisa guulaha ee tujaarnimada.

Michael Dell – 51 sanno jirkaan ayaa lagu yaqaanaa inuu ahaa aasaasihii shirkadda cumbiyuutarrada ee Dell, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay ku dhowaad 20.5 bilyan oo dollars. Michael wuxuu arday kasoo noqday jaamacadda University of Texas inkastoo uu halkaas kasoo bartay cilmiga kambiyuutarka hadana sooma marin waxbarasho aasaasi ah.