Sheekadii aheyd xafiiska hanti dhawrahaa la jabsaday oo been noqotay iyo ujeedkii laga lahaa

Muqdisho – (Caasimadda Online) Shabakadda Caasimadda Online ayaa maalmihii ugu dambeysay baaritaano ku heysay wararka sheegayo in la jabsaday xafiiska Hanti Dhawraha guud ee qaranka markii uu hadalkaas saxaafadda u sheegay hanti dhawrka guud Dr. Nuur Faarax.

Haddaba caasimadda Online ayaa soo ogaatay inuusan jirin xafiis la jabsaday iyo document laga qaatay midna waxaana arrintaas kusoo ogaanay baaritaano aan wadnay ilaa dhawr maalin.

Sida ay sheekada ku timaaday:

Waxaa hal meel isla daganaa wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska Hantida Dhawraha guud waxayna ku wada yaalaan gudaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Haddaba wasaaradda maaliyadda ayaa isaga guurtay qolalkii ay ka daganeyd madaxtooyada kadib markii ay dayactiratay xaruntii ay wasaaradaas ku shaqeyn jirtay waagii hore.

Markay sidaas dhacday Hanti Dhawraha guud ee qaranka ayaa waraaq u qoray maamulka madaxtooyada si qolalka ay ka guurtay wasaaradda Maaliydda loogu daro qolalka uu ku shaqeeyo xafiiskiisa.

Markii uu waraaqdaas u diray madaxtooyada ayuu waayey wax jawaab ah oo laga siiyey waraaqdiisa, waxayna madaxtooyada dajisay hey’ad kale oo kamid ah dowladda si ay halkaas ugu shaqeyso.

Waxaa qolalkii wasaaradda ka guurtay soo gaaray hey’addii lagu amray inay halkaas dagto, waxaana xusid mudan in qolalka ay kala daganaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti Dhawrka ay kala xirnaayeen marka laga reebo hal qol oo uu lahaa xafiiska hanti Dhawrka oo ku dhaganaa kuwa maaliyadda.

 

Ciidamadii la socday hey’adda lagu amray inay dagaan halkaas ayaa u fahmay qolkii Hanti dhawraha lahaa inuu ka tirsanaa kuwii maaliyadda, taasoo keentay inay ku dhuftaan haraati kadibna waxay ogaadeyn inaan qolkaas laga guurin oo uu ka tirsan yahay Hantida Dhawrka.

Markii ay jabiyeen kadib ayey albaabkii soo laabeyn, waxayna arrintaas ka bixiyeen raali gelin.

Maxaa Xaqiijinayo Inaan wax Document ah la qaadan:

Maxamed Cabdulle oo loo yaqaan (Gurey) waa agaasimaha maamulka maaliyadda xafiiska Hanti Dhawrka guud ee qaranka, wuxuuna shaqsiyaad ay aad isugu dhaw yihiin u sheegay inaysan jirin wax Document ah oo laga qaatay xafiiskaas isla markaasna ay arrintaan aheyd qalad yar oo dhacay kadibna la xaliyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa niman ajaanib ah usoo diray xafiiska Hanti Dhawrka si loo baaro hadalka uu Dr. Nuur ku sheegay in Documentiyo laga qaatay.

Ajaanibtaas ayaa xafiiska Hanti Dhawraha kula kulmay Maxamed Cabdull Gurey oo ah  agaasimaha maamulka maaliyadda xafiiska Hanti Dhawrka guud ee qaranka kuna shaqeenayey qalka la jabiyey , wuxuuna ajaanibta u caddeeyey inaysan jirin wax Document ah oo laga qaatay xafiiskiisa, sidoo kale wuxuu sheegay in Document-yadii yaalay oo dhan uu hubiyey aysana jirin wax ka maqan.

Maxaa keenay inuu Hanti Dhawrka si been ah u sheego in Documentiyo laga qaatay:

Caasimadda Online oo dabagal weyn ku sameysay sababta hanti Dhawraha ku kaliftay inuu si been ah uga dhawaajiyo in xafiiskiisa laga qaatay Document ayaa waxaa soo ogaanay inay sabab u tahay waxyaabaha soo socdo:

1) Hanti Dhawrka oo tan iyo markii Farmaajo la doortay u sheegayey inuu haayo waraaqo caddenayo in dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ay ku kacday Musuq maasuq isla markaasna uu madaxweynaha usoo bandhigi doono, markii aan la sheekeysan dadka la shaqeeyo waxay xaqiijiyeen inuusan heyn wax Document ah oo musuq maasuq caddenayo uuna hadalkaas uga raadsanayo madaxweynaha in xilkiisa loo dhaafo, wuxuuna tallaabadaan beenta ah qaaday markii ay soo dhawaatay waqtigii laga sugayey inuu soo bandhigo Document-yada uu hayo.

2) Xanaaqii uu hanti Dhawraha ka qaaday markii looga soo jawaabi waayey waraaqdii codsiga aheyd ee uu u diray madaxtooyda taasoo uu ku dalbaday in lagu wareejio qolalkii ay ka guurtay wasaaradda Maaliyadda ee ku dhex taalay Madaxtooyada, wuxuuna damacsanaa inuu eedeyn aan jirin dusha uga tuuro hey’adda ay dowladda soo dajisay xafiisyadaas oo ku dhagan xafiisyada uu hanti Dhawraha ku shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com