Xog: Ethiopia oo Somalia ka dhex sameysatay Qaswadayaal lidi ku ah Dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa Doorashada Somalia ka dib bilowday in Fashilinta Dowlada Somalia ay u adeegsato Siyaasiyiin dhowr ah oo kasoo horjeeda Siyaasada cusub ee iminka ka curatay Somalia.

Siyaasiyiinta loo adeegsanaayo Fashilinta Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa isagu jira kuwo ku hingoobay Doorashada, kuwo xil doon ah iyo Odayaal dhaqmeed loo abaabulay ka hor imaanshiyaha Hanaanka Siyaasadeed ee Dowlada.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee sida hoose kula shaqeynaaya Dowlada Ethiopia ayaa iminka shirar joogta ah ku yeeshay qaar kamida Hoteelada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Hoteelada ugu badan oo ay ku kulmaan ayaa waxaa kamid ah Nasa-hablood Two, Jaziira, Makka Al-mukarama iyo Hoteelka City Plaza, oo dhamaan ay deegaan ku yihiin dhinacyada Qaswadayaasha.

Dhinacyadaani ay Dowlada Ethiopia adeegsaneyso ayaa tallo qaadasho ka waayay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Dowlada Ethiopia oo kasoo horjeeda Siyaasada Madaxweynaha ayaa ka faa’iideysatay gadoodka dhinacyadaasi waxaana suuragal ah in tirro ahaan ay ka bataan cadadka ay iminka yihiin.

Sidoo kale, Dhinacyadaasi qaswadayaasha ah ayaa waxaa lagu bixinayaa dhaqaale xoogan iyadoo ujeedka loogu bixinaayo dhaqaalaha uu yahay fashilinta Dowlada Somalia ee noqoneysa tan ugu shacbiyada badan.

Dowlada Ethiopia ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo soo saareysay Warbixino u muuqda kuwo lagu fashilinaayo Dowlada isla markaana leysaga horkeenaayo Dowlada iyo Siyaasiyiinta, waxa ayna qeyb ka noqoneysaa dadaalka ay Ethiopia ugu jirto dhiciseynta Dowlada Farmaajo.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay go’aan lagu gaabinaayo xiriirka Somalia kala dhexeeya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxaana xusid mudan in carada Ethiopia ay timid ka gadaal markii Madaxweynaha uu qaadacay Casuumaad ay ugu yeertay Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com