Xog: Sababaha uu Galaal u tagay Cadaado iyo rajada laga leeyahay inuu ku guuleysto

Cadaado (Caasimadda Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo taariikh weyn ku leh Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Shalay Gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug.

Xogta  laga helayo Magaalada Cadaado ayaa muujineyso inuu Generaalka halkaas u tagay sababo ay ugu weyn tahay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa labada garab ee isku hayo Deeganada Galmudug oo ay kala hoggaamiyaan Xaaf iyo Sh. Shaakir.

Generaalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Cadaado, taasoo muujineyso inay jirto rajo fiican oo laga leeyahay isku soo dhawaashaha Ahlu Sunna iyo Galmudug, wuxuuna Safarkiisa Cadaado kusoo aaday xilli uu Shalay dib u dhac ku yimid shir ay  isku hor fadhiisan lahaayeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Sida ay sheegayaan Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Cadaado, General Galaal ayaa loo badinayaa inuu ku guuleysto heshiiska la doonayo in lagu mideeyo Galmudug iyo Ahlu Sunna, maadaama uu sanadihii dambe ahaa Sarkaal talo ku leh Maamulka Ahlu Sunna.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddooyinkii danbe fadhigiisu ahaa degaanada ay ka taliyaan Ahlu sunada Gobollada Dhexe, gaar ahaan Guriceel, waana markii ugu horeysay ee uu Cadaado tago.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa muujinayo inuu 100% diyaar u yahay inuu Ahlu Sunna kusoo daro Maamulkiisa, isagoo weliba la sheegayo inuu diyaar u yahay inuu u magacaabo xilal sar sare inkastoo uu dhawaan ku dhawaaqo golaha wasiirada oo la filayey inuu la sugi doono wadahadalka Ahlu Sunna si ay uga soo dhex muuqdaan.

Rajada laga qabo in Ahlu Sunna iyo Galmudug ay midoobaan ayaa aad u sareyso maadaama labada dhinacba ay faa’ido ku keeno waayeen khilaaf, wuxuuna Maamulka Galmudug noqday mid fadhiisad ah maadaama uusan maamulka gacanta ku heyn inta badan deegaanada.

Halka Ahlu Sunna Waljameeca ay caawinaad ka weysay dowladda Soomaaliya, taasna ay keentay inuu maamulka waayo awood uu ku shaqeeyo iyo miisaaniyad, wuxuuna xataa khilaafka gaaray in Ahlu Sunna loo diido in wax laga siiyo lacagihii loogu talagalay abaaraha ee loo qeybinayey Maamul Goboleedyada.

Maanta ayaa la filayaa in madaxweyne Xaaf iyo General Galaal ay isku soo hadal qaadaan qaabka loo wajahayo  dib u heshiisiinta, ilaa haddana lama xaqiijin haddii ay Ahlu Sunna raali ka tahay waanwaanto uu Galaal u tagay Magaalada Cadaado.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.