Janan nabaddoon ah iyo wadaad waranle ah! (Farqiga u dhaxeeya Galaal iyo Shaakir)

Magagga maalmaha, waxaad malo’awaasho waxaa ka badan inta ku soo marta, ee aad muuqsato maragna u noqoto.

Noolow ayaamo uun adiga ayaa arkaya naadir iyo wax aad la anfariirtee. AMAKAAG! Cimrigaaga oo raaga, geel dhalaana waa ku tusaa!

Warka ugu xiisaha badan, waa General Maxamad Nuur Galaal, taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka, xilligii dawladdii KADUUDIYAHA, ayaa Shalay gaaray gobolka Galguduud, magaalada Cadaado, ee ah xarunta KMG ee maamulka Galmudug.

Wuxuu u tagay baa la yiri, nabadayn iyo waanwaan laga dhexwado Maamulka Gobollada Dhexe, ee uu madaxiisa sheegto Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo maamulka Galmudug.

In kasta oo aragti ka la duwan laga dhiibtay, ee cabbiraysay dareenno la ka la qabo, haddana, anigu ma baasaysan booqashada Galaal Cadaado u joogo, ee nabadaynta ah, oo waa sida labada dhinac isugu dheganuglaadaan.

Waxa aanse dhibsaday, oo run ahaan caloosha i huriyey dhaqanguurka dhacay, dhimaalka bulshada ku habsaday iyo dhalanrogga la qabatimay. Sabab?

Galaal aqoontiisu waa ciidan, oo waa sida kaarto dagaal loo dajiyo iyo kaare dirir loo geliyo, oo General Galaal wuxuu ku jiray saraakiishii dagaalkii 1977 guulaha degdegga ka soo hooyey, welibana talooyinkiisii aan la dhegaysan. Belo!

Halka Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan yahay wadaad xerow ah, oo aqoontiisu tahay macallinnimo iyo cashir dhigid, laqbayn duruus diineed, tafsiiirid quraan, sharrixid xadiis iyo aqrin siiro nebi!

Haddaba, labadaa yaa mudan, in uu nabadayn iyo waanwaan u boxo? Ma General Galaal, mise, Sheekh Shaakir? Si kore u dhig: General la soo baray, in uu naf dilo, dhiig daadsho, nolol dumiyo iyo wadaad la baray naf badbaadin, bulsho dhawrid, toosin qallooc iyo tawbad raadin, kee ku habboon, in uu nabad raadin u boxo?!

Ka la wareegga nolosheenna ku dhacay iyo dhaqan baddalka taagan, waxaa kaa mid ah; WADAAD qori sito iyo JANANNA dhexdhexaadin ka shaqaynayo! Saw la yaab ma ahan? Saw waalli ma ahan? Saw MAGAGGA magaggiisa ma ahan?

Teer iyo 2009 ayaan lahaa WADAAD la isaga ma ilaalin karo WADAAD kale, ee reer gobollada dhexow aragti kale keen. Qof i dhegaystase ma arag. Caloolxumo iyo uur ku taallo!

Dhib ma lahan, oo cayro ma diiddo caymee, hadda maxaa dan ah, inta hadaaqa iyo hantaataca laga kaalayo? Ma waxaad rabtiin, in la idiin diiwaangeliyo, in aad ku fashilanteen hannaan nololeedkii iyo hab maamulkii? Hubaal, qayb ka mid waa idiin qorantay, ee is daba qabta.

Sidoo kale, ayaan Shiikh Shaakir, ku ehbiyey Eebbihiis iyo aayadaha quraanka, oo ah culuumta uu soo bartay, marka Shaakirow, talo hadday kuu egtahay ee dhiigga walaalaha muslinka ah badbaadi!

Haddaad garasho leedahay, maamuuskii aad mudneed iyo shaqadii aad qaban leheed ee eheed nolol abuurid iyo rajodhalin general Galaal ayaa Cadaado u jooga, adna waxaad dabada haysaa tiisii eheed dilka, dagaalka, dhiigdaadinta, qixinta, barakicinta, hoobiyerididda, madfac ku garaacidda iyo baaruud bunduq afuufkeed! Aryaa naga shiix oo Sarreeyaha sare ka sarriigo! Haddaad cibro qaaadasho leedahay, CIBAARO waa ku hortaal, ee cindgaaga geli.

Waxaa kale oo iyana ku tusinaysa dhimaalka dhaqan, ee bulshadu dhexdabaalanayso, in aadan arkayn wadaad SUUFI ah, oo ka hadlaya daadinta dhiigga beesha Xeraale iyo dabcan dhallinyarada la soo qalday, oo wadaad SUUFI kale uu dilayo!

WAHAABI isaga dhiig daadin, qixin iyo qarxin waa lagu yiqiin, dhaqan iyo dhurna waa u eheed, ee SUUFIYEEY idinkana bulshadu maanta ayey idin ku baratay! Labo DILAA! Xaqa ood qarisaa, in uu dambi yahay ka sokow, haddana waa lagu NAAR mutaa!

Marka Shaakirow, talada tolkaa qaado, kolleey dariska kale waa kaa tashteene, oo reer Caabudwaaq dawladnimo ayey u jeesteen, waxayna taageero u yihiin maamulka Galmudug.

Sidoo kale, reer Xeraale waxay go’aan ku gaareen, in dantoodu ku jirto, in ay raacaan maamulka Galmudug, waana midda dagaalka iyo weerarka loogu qaaday!

Urur waa isu tag, aragti ku midow iyo ajande wadaagid, balse, TOL waa tolane oo waa dhalyo, dhiig iyo dhaqan, marka yeysan isaga kaa darsoomin labadaa, oo haddaba Shaakirow maamulkaagu wuxuu ku dhisan yahay beelo, haddii kale, ina Yuusuf Direed maad xil hoose u dhiibtid ama qof aan beesha aad ka la dhalatay ahayn madax ka noqdo maamulka?!

Waxaan uga socdaa, xujada ah urur ahaan ha na loo la hadlo ma furanto, ee maan fayow la imow, maskax fuunto ah aragtay maaraynteedee, oo wax aan dib u dhac iyo mayd ahayn laga ma dhaxlee.

F.G: general Galaal, maadaama uu ku jiro saraakiisha ciidanka ugu aqoonta fiican maanta, dawladdu talo ma warsatay ku aaddan qaabka dib u dhiska ciidanka?.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid