Sawirro: Muqdisho oo laga hirgaliyay taaladii ugu quruxda badneyd iyo shacab durba ku xoomay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo sanad iyo bar kadib xariga laga jaray Taalada Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Taalada oo dayactir iyo qurxin lagu sameeyay ayaa waxaa suuragashay in xariga laga jaro habeenimadii xalay.

Xarig ka jarka taalada kadib ayaa waxa ay ishu qabaneysay tobaneeyo qof oo halkaa isku sawiraayay kuwaa oo qaarkood loo fasaxay inay gudaha u galaan halka ay ku taal taalada.

Hareeraha Taalada ayaa waxaa lagu dhejiyay Xayeysiinta Shirkadaha qaar ee ka howlgala Magaalada muqdisho taas oo ay dadka ka qaadanayeen sawirro.

Taalada ayaa waxaa gabi ahaan lagu hardhay geedo iyo leyrar oo qabanaaya indhaha shacabka kuwooda saaran gaadiidka iyo kuwa socotada ah.