Wasiir kashifay qorshaha ay Ahlu-Suna ka damacsan tahay wadahadalka kala dhexeeya Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Mahad Maxamuud, ayaa eedeyn kala dul dhacay maamulka Ahlusuna ee wadahadalka kula jira Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe uusan daacad ka ahayn wadahadallada, balse ay u muuqato maslaxooyin kale oo aan la ogeyn.

Wasiirka oo la hadlaayay Idaacdaa GJ ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay weli kala garan la’ yihiin waxa u dana Ahlusunna, waxa uuna ka digay in lagu khasaariyo wakhti danbe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in maamulka Galmudug aysan dedaal danbe ku bixin doonin sidii loola hadli lahaa Ahlusunna, balse dhankooda dib u dhac badan keenay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu wasiirka intaa raaciyay in marar badan waxgarad ay u tageen Ahlu-sunna, markii la balamana ay balamada ka baxaan.

Waxa uu cadeeyay inuu rumeysan yahay in wadahadalka hadda socda uusan aheyn mid xaqiiqa, balse uu yahay mid laga been sheegaaya xaqiiqda jirta, maadaama Ahlusuna aysan aheyn horusocod.

Wasiir Mahad Maxamuud, ayaa bidhaamiyay in wadahadalka hadda socda uu yahay mid ay Ahlusun ku hagardaameyneyso Galmudug, isla markaana uu noqon doono mid aan lagu guuleysan, maadaama uusan dhinaca kale ka aheyn daacad.

Sidoo kale, waxa uu farta ku goday in dhammaan madaxda Ahlusuna ay yihiin kuwo wada taliya, isla markaana aanu jirin mas’uul talo looga danbeeya.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu sheegay in uu ku dedaalayo sidii maamulkiisa ula heshiin lahaa Ahlu-sunna Waljameeca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com