Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex qarxo Galmudug iyo Ahlu-Sunna iyo rasaas goosgoosa oo socta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in goordhow ay gudaha u galeen deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo ku hubeysan Hubka noocyadooda kala duwan ayaa sal dhigtay deegaanka Mareergur, iyadoo ay dhaqdhaqaaqaasi ku baxeen ciidamo kale oo taabacsan maamulka Ahlusuna.

Ciidamada maamulka Galmudug ee iminka gudaha u galay Mareergur, ayaa kasoo baxay degmada Cadaado oo xarun u ah Maamulka Galmudug.

Ciidamada labada dhinac oo is horfadhiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay isku adeegsanayaan rasaas goosgoos ah taa oo ka dhex dhaceysa deegaanka Mareergur oo qiyaastii 30KM u jirta Dhuusa Mareeb.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kala dirsaday gurmad waxa uuna dhaqdhaqaaqa ugu badan iminka yahay mid ka socda degmada Dhuusa Mareeb oo xarun u ah Ahlusuna.

Dadka deegaanka ku ah Mareergur ayaa bilaabay barakac, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu halkaa ka qarxo dagaal, waa haddii aan la raadin xal degdeg ah.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sida xiisadan taagan ay saameyn ugu yeelan karto wada hadalada u socda Galmudug iyo Ahlusuna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com