Sababta Al-Shabaab looga adkaado dagaallada ay la galaan shacabka (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dagaalkii xooganaa ee deegaanka Baxdo ee lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab waxaa isa soo taraya falcelinta ka dhalatay dagaalkaas oo ay guul weyn ka soo hooyeen shacabka deegaankaasi oo hoostaga gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo subaxii Jimcaha ku qaaday Baxdo oo 90 KM bariga ka xigta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa la kulantay khasaare lixaad leh oo ah kii ugu ballaarnaa waxaana looga dilay xubno badan, iyadoo looga qabsaday hub.

Haddaba Maxay Al-Shabaab guul-darro u gala kulmaan dagaallada ay la galaan shacabka?

Axmed Kaboole oo bartay arrimaha ammaanka, horeyna u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa VOA-da uga warramay dagaalkaas, gaar ahaan cashirka loo dhigay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Falanqeeyahan ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhexeeyo marka ay Al-Shabaab la dagaalamayaan ciidamada dowladda iyo marka ay wajahayaan shacabka, isaga oo tilmaamay in haddii la abaabulo dadweynaha ay badanaa ku jabaan xoogaga Al-Shabaab.

“Dhacdooyinka Al-Shabaab dagaallada lala galay ama dowladdu la gashay ama dadka shacabka ah la galaan way kala duwanaayeen haba ugu dmabeyso dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo, Marka la fiiriyo dagaalka ay la galaan dadka shacabka ah oo is abaabulay iyo dagaallada ay la galaan ciidamada dowladda farqi weyn ayaa u dhexeeya, waxaad moodaa in markii dadka shacabka ah la dagaalmayaan inay badanaa ku jabaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole oo wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay taasi ugu wacan tahay in kooxda aysan aheyn kacdoon shacab, isla-markaana ay shacabku saldhig u yihiin in lala dagaalo ama laga adkaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ugu wacan ayaan isleeyahay waxaa la ogaaday in nimaankaas argagixisada ah badanaa waa koox ama kacdoon shacbi ma’ahan waxa ay ku dagaalamayaan badanaa marka dadweynaha ayaa saldhig u ah in lala dagaallo ama laga adkaado,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu yiri  “Runtii Al-Shabaab ma’ahan ururkaan weynoo meel kastaa lagula dagaalamaa waayo aragnimo waxaa la helay in la awoodeeyo bulshada oo la’isku dhaweeyo nidaamka dowliga ah iyo bulshada, si aysan ugu dhuumanin qaabkaasna looga adkaado,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay meydadka xubnihii laga dikay kooxda Al-Shabaab oo ay ajaaniib ku jiraan, sida ay sheegtay Galmudug iyo hub fara badan oo laga qabsaday lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.