Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa weli si weyn ugu dhagan heshiiska Itoobiya ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay qalinka ku duugeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Heshiiskan oo Itoobiya looha kireynayo dhul badeed dhan 20 km, ayey Somaliland uga beddelaneysa aqoonsi, xilli ay in ka badan 30 sano ku doodayso inay tahay dal ka madax-banaan jamhuuriyadda Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qarannimadeeda, ayaa qaaday olole ay caalamka ku tuseyso gafka ay Itoobiya ku kacday, taas oo keentay in Itoobiya ay ku dhiiran weydo dhaqan-galinta heshiiskan.
Haddaba, Maxay Somaliland ugu dhagan tahay heshiiskan ay ka horyimaadeen dowladda dhexe iyo caalamka?
Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Al-Carabiya ayaa sheegay in Somailand ay heshiiskan u daneynayso ama ay u dooneyso uu yahay inay hesho aqoonsi, taas oo ah arrin ay raadinayeen in ka badan soddon sano.
Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsan yaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.
“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed,” ayuu yiri.
Waxa uu intaas kusii daray “Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena.”
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in bulshada reer Somaliland ay ku kala aragti duwan yihiin heshiiskan, xilli ay gudaha Somaliland ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo tallaabadan maalmo un kadib saxiixa is-afgaradkan.
“Bal eeg muwaadiniinta Somaliland, aqlabiyadda ugu badan waxay u hanqal taagayaan madax-banaanideenna. Ma jiraa xisbi weyn iyo siyaasi caan ah oo ka horyimid heshiiska is-afgaradka? Waxaan dhammaanteen isku raacsannahay in heshiiska is-afgaradku uu yahay mid dani ugu jirto dalkeenna.”