Xog: Sababta ka dambeysa heshiiska cusub ee Somalia iyo Itoobiya oo la shaaciyey

Jigjiga (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, oo wareysigaan siiyey idaacadda VOA, ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horeyn safiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan aheyn mid bilow ah, labada dal ay yihiin saaxiibo soo jireen ah, iyadoo bulshada labada wadan ay ka dhaxeeyaan dano badan oo wada noolaasho ah.

“Dad badan oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku nool dalkaan Itoobiya, xeryaha ayaan ku booqdaa, sanad kasta waa sii yaraanayaan oo qaar waxaa loo sii qaadaa dibadda, qaarna waxay ku laabtaan dalkooda Hooyo, maadaama uu hadda nabad noqday,” ayuu yiri danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu guulo kasoo hooysay dagaalka ay kula jirto kooxda al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu wiiqay awoodda dhamaan kooxihii ka soo hor jeeday dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa waajib noqotay in si wadajir jir ah la isaga difaaco kooxaha qaran dumiska ah, sida Shabaab oo khatar ku ah gobolka oo dhan, sidaas darteed waxaan Itoobiya la saxiixanay heshiis iskaashi amni ah, hadii aan la helin nabad wax kasta ma suurtaabayaan,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay cunaqabataynta hubka ee dawlada Soomaaliya laga qaaday, isagoo tilmaamay in guushaan taariikhiga ah uu u dabaal degayo, isagoo jooga Jigjiga.

“Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo ah suuq aad u weyn oo wadamo badan ay ku bahoobeen ayaan dhawaan ku biirnay, waxaana halkaas Soomaaliya uga imaaneysa faa’iido weyn, wax kas oo dalkeenu uu soo saaro ayaan suuq furan u heli doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u qorsheysneed in sanadkaan ay ka guul gaarto shan arrimood oo kala ah, Dagaalka Shabaab, deyn cafinta, cunaqabateytii hubka, la wareegidda amniga qaranka iyo ku biirida daladda bulshada bariga Afrika, wuxuu sheegay in arrimahaas laga guul gaaray, kuwa harayna todobadyada iyo bila soo socda lagu guuleysa doono.

Hoos ka dhageyso wareysiga