Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii xasaasiga ee Somalia ku saabsanaa ee New York?

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay waxaa ka qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.