LIVE: Dabaal-degga guusha taariikhiga oo caawa ka socota Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad loogu dabaal-dagayo guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafiyey deynta, ayaa caawa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda dabaal-degga ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxda dalka, oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo qeybaha bulshada.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay in dalka laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31-ka sano, isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Si kastaba, 60 sano kadib caawa Soomaaliya laguma laha wax deyn ah, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Hoos ka daawo