25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Sababta shirkadda Favori ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ula wareegtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, boostada iyo Is-gaarsiinta C/llaahi Ciilmooge ayaa shalay mar kale hor-tagay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kana hadlay Shirkadda FAVORI.

Ciilmooge oo horey 13dii Bishaan u hortagay Baarlamaanka ayaa shalay mar labaad wax laga weydiiyay Heshiiska Dowladda ay la gashay Shirkadda maamusha Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Warfaafinta, boostada, Is-gaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya ayaa Su’aalo laga weydiiyay Heshiiska ay Xukuumaddu la gashay FAVORI LLC, wuxuuna Wasiirka heshiiskaas ku tilmaamay mid lagu guuleystay oo faa’iddooyin badan u keenaya Dowladda.
Wasiirka ayaa Xildhibaannada u akhriyay heshiiska qaybtiisii Labaad, isagoo sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu horumariyo adeegyada gaadiidka dalka sida garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa Su’aalo iyo talooyin u jeediyay Wasiirka Warfaafinta, iyadoo Wasiirka uu ka jawaabay su’aalahaasi, inkastoo Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in la cadeeyo qodobada qaar ee ku jira hishiiska ahdaafta iyo ujeedooyinka, halka xildhibaanada qaar ay bogaadiyeen hishiiskani.

C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in Dowladda ay xaq u leedahay inay Heshiis la gashay Shirkadaan, wuxuu yiri:“… Wasaaraddu awood iyo sharciba waxay u leedahay inay ogolaato hagaajinta, dib u dhiska iyo horumarinta hannaanka gaadiidka Soomaaliya oo uu ku jiro Garoonka Aadan Cadde..”

Wasiirka oo Amaanaya Shirkadda ayaa yiri: “Shirkaddana waa mid ku xeel-dheer arrimo badan oo isugu jira dhismayaasha nabadgalyada ee gaadiidka iyo maamulka,”

Ciilmooge oo ka Jawaabaya farqiga u dhxeeya Shirkada SKA oo horey Garoonka u maamuleysay iyo Shirkadda hadda maamusha ee Favori, ayaa sheegay shirkadda Favori in ceymis ay ku jirto oo wax badan ay kaga badalantahay shirkadaha kale islamarkaana daqliga ay ku kala duwanyihiin labada shirkadood.

“… SKA waxay ku billowday daqliga ay dowladda kusoo wareejinayso 35%, waxaana gaarsiinnay 40%. Balse shirkaddan cusub waxay ku billaabaysaa 45%, waana caddanay saddexda sano ee soo socota halka la gaarsiin karo. Isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya uu gaarayo 18-milyan oo doollar…”

Ciilmooge ayaa sheegay in Heshiiska Shirka Favori ay la saxiixdeen ay kamid ahayd in mudo 8 Bilood ah Garoonka Aadan Cade ay ka dhigto Garoon Casri ah, asagoona Xusay in sidoo kale Garoonka Diyaradaha Muqdisho ay ka mamnuuci doonan “in Hub lala galo”.

“Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso horumarinta ilaha dhaqalaaha dalka oo uu garoonku ka mid yahay, waxaana shirkadda FAVORI LLC kula heshiinay inay muddo kooban ku horumariso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, innagoo ku dabo-galayna howlaha ay qabanayso” ayuu ku yiri Wasiirka.

Sharciga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaba in Heshiis walba oo ay Dowladda gasho uu maro Saddex akhrin, lagana doodo.

Isha: KON

- Advertisement -

Read more

Local News