Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya waxay ka hadashay xarig Dowladda Belguimka ay ugeysatay hogaamiye hore uga tirsanaa kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo dhawaan Belguimka lagu xiray.
Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya ,Faarax Qare ayaa wax looga xumaado ku wuxuu tilmaamay xariga Maxamed Cabdi Xasan Afweyne Dowladda Belguimka ay ugeysatay waxaana uu sheegay in Afweyne uu ka tanaasulay Burcad badeednimadana iminkana uu ahaa ruux ganacsade ah
Wuxuu sheegay in Afweyne uu ka gacan siiyay Dowlada Soomaaliya sidii dhalinyaro badan looga soo saari lahaa Burcad badeeda Soomaalida oo loogu sheegi lahaa in falalka Burcada badaha ay tahay arin aad uxun iminka uu ahaa in wanaagsan oo falkaasi gabi ahaanba isaga baxay.
“Xariggiisa waan ka Xumaha Faarax ahaan, in la yiraahdo Film Burcad Badeeda ku saabsan ayaad noo Duubeysa Kadibna Xarig loogu Badalo waa Qiyaano weyn Hadii ay Dambi Cad ku hayaan waxay aheyd inay dowlada Xageeda usoo Maraan, Laakiin Maaysan Dhicin Waa ayaan darro weyn nin Dhalinta ka wacyi galinayay Arintaasi in isagii loo xiro” Ayuu yiri Faarax Qare
Maxamed Cabdi Xasan Afweyne, iyo Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey, ayaa iminka waxaa gacanta ku haya Dowladda Belguimka kadib markii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha dalkaas.
Afweyne ayaa Si cad wuxuu u sheegay inuu ka tanaasulay falkii Burcad nimada ahaa, waxaana waayihii dambe uu ahaa ruux ganacsade ah , hayeeshee Dowlada Belgium-ka ayaa ku eedeysay inuu Hantidaas badan ka tabcay falka Burcad Badeednimada ah .
Dowlada Belgium-ka ayaa Afweyne ku eedeysay inuu ahaa Hogaamiyaha Koox Burcad Badeed ah oo 2009k—qabsaday Markab laga lahaa dalkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

