VIDEO: Magaalo NORWAY ku taalla oo arrin cajiib ah ku dhaqaaqday (Daawo)

BALCAD MEDIA: Magaalo ku taalla dalka Norway oo lagu magacaabo Rjukan ayaa waxey la timid qorshe ay kaga baxayaan dadkeeda mugdiga uu keeno xilliga qaboobaha iyadoo rakibatay muraayad reflection ama soo celin kusameyneysa qoraxda miraayaddaasoo iftiim iyo kuleel yar siin doonta magaaladaas halkii ay ka heli laheyd qorraxda.

Miraayaddan ayaa lagu xeray meel buuro korkeeda ah iyadoo laga hagayo qalabka kumbituutarka waxaana ay miraayaddaas iftiimineysaa gabi ahaanba bartamaha magaaladan Rjukan oo ah magaalo yar oo 90 mile u jirta caasimadda dalkaasi ee Oslo.

Qorshahaan miraayaddan qorraxada siineysa magaaladani ayaa la furayaa bisha Oktober markii ay tahay 31 waxaana ay qorrax miraayadeedkani siin dooonta iftiin ilaa iyo 6,500 oo isku wareeg foot ah, iyadoo ay dadka daganina ku munaacafadsan doonaan ee daawo Muuqaalkani Cajiibka ah.

HALKAAN KA DAAWO