30.4 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Allaha ha u naxariisto : Wariye Tima-Cadde oo Muqdisho lagu aasay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Allaha ha u naxariisto waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo xaley u dhintay dhaawac ka soo gaartay weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen dhowr cisho ka hor degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa xilligaas waxaa ku dhacday ilaa lix xabadood, waxaana la geeyay dhaawiciisa Isbitaal Madiina, halkaas tiro ka labo jeer qaliin lagu sameeyay sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Wariyaha ayaa xaley ku geeriyooday Isbitaal Madiina xilliga Muqdisho 11:00pm sida ay Caasimada Online u shegeen ehelkiisa.

Waxaana maanta lagu aasay Qabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, iayadoona Aaskiisa ay kasoo qeyb galeeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia , Bahda warbaahinta iyi dadweyne aad u badan oo ay qeyb ka ahaayeen Ehelada Marxuumka.

Marxuum Tima-Cadde ayaa ifka uga tagay xaas, waxaana uu ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon ee ka howlgala Muqdisho isagoona ka tirsanaa shaqaalaha TVga Universal ee magaalada Muqdisho.

Waa wariyihii toddobaad oo sannadkan lagu dilo Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha ugu khatarta badan ee saxaafadu ka howgasho caalamka.

Ugu dambeen, maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay Tacsi tiiranyo leh u dirayaan ehelka iyo dhammaan asxaabta uu ka baxay wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde, waxaana alle uga baryeenaa inuu Janada galsho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News