29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

DFS oo sheegtay xarigga Shabeelle inuusan ahayn caburin saxaafadda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay xarigga Idaacadda Shabeelle in uusan salka ku heynin caburin saxaafad, wuxuuna sheegay Idaacadda Shabeelle in ay ka dhaga adeegtay amaro loo soo jeediyay.

Wasiirka ayaa sheegay Idaacadda Shabeelle in lagu amray in ay ka guurto dhismaha ay daganeed oo ay lahayd dowladdii hore, sidoo kale ay ka dhaga adeegtay in ay isoo diiwangaliso.

Wasiirka wuxuu ku celceliyay in aysan dowladda caburin doonin saxaafadda madaxa banaan, isagoona intaas ku daray in loo baahan yahay Idaacadaha in ay is-diiwangaliyaan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale, sheegay in Idaacadaha ku yaalla Muqdisho looga baahan yahay in ay isoo diiwangaliyaan ilaa 10-ka bisha November, ciddii muddadaas isku soo diiwangalin weysa wuxuu sheegay in la xiri doono oo amar buuxa la siiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Ugu dambeen wasiirka wuxuu ka tacsiyeeyay geerida wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo xaley u dhintay dhaawac ka soo gaartay rasaas ay ku fureen dableey aan haybtooda lagaran degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay wasiirka in ay baari doonaan dilka wariyaha isla markaana caddaaladda la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Si kastaba, Idaacadda Shabeelle ayaa maalintii labaad hawada ka maqan, waxaana weli dhismaha xarunta ku jira ciidamo ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News