Dhageyso; Waxa KISMAAYO ka Cusub

Kismaayo (Caasimada online) Hilowle Aadan Maxamed, Waxa uu  ka mid yahay Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ag ee Jubba, Warbaahinta ayuu uga warbixyay habka ay u wajahayaan shirka arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho ay ka socoto qaban qaabadiisa.

Waxa uu sheegay in ay ku  jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ay kaga qeyb galayaan Shirka Muqdisho, isagoona ka dhawaajiyay in guddigii Farsamada ee Maamulka Jubba la dhisay, imikana ay socoto Xulista Ergada 100-ka gaaraya ee Shiraasi uga qeyb galaya .

“Waxaan wadnaa Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee aam Muqdisho ku gaari laheyn Si aan u soo aragno Fikradaha dadka Siyaasad ahaan Na Mucaaradsan si loo dhiso maamul iyo Nabad waarta oo ka dhalata Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Hile Aadan.

Maamulka Jubba ayaa dhowaan si cad u diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho , Waxaana ay ku tilmaameen mid hareer marsan qodabadii ay dowlada Somalia kula soo heshiiyeen Magaalada Adis Ababa.

Waxaana imika Muqdisho iyo Kismaayo ka soconaya qaban qaabo loogu diyaar garoobayo ka qeyb galka Shirkaasi  looga hadlayo arimaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Hilowle Aadan Maxamed,

Hilowle Aadan Maxamed

 Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com