Sababta Sudan ay u go’aansatay inay la heshiiso xiriirna la yeelato Israel

Khartoum (Caasimada Online) – Israel iyo Sudan ayaa billaabay inay ka shaqeeyaan sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir diblomaasi maalin kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo hogaamiyaha golaha xukuma Sudan ee militariga , Abdel Fattah al-Burhan ay ku dhowaaqeen inay caadi ka dhigayaan xiriirkooda.

Sudan ayaa la rumeysan yahay in sababta ay u dooneyso inay xiriir ula yeelato Israel ay tahay inay ka caawiso sidii ay u horumarin lahayd xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka, kaasi oo Sudan ku calaamadeeyey dal taageera argagixisada, 1993-kii.

Abdel Fattah al-Burhan oo hadlayey kadib kulankii qarsoodiga ahaa ee uu Netanyahu kula yeeshay dalka Uganda, ayaa sheegay in sababta uu ula kulmay ra’iisul wasaaraha Israel ay tahay “inuu ilaaliyo danta amni iyo midda siyaasadeed ee shacabka Sudan.”

Al-Burhan ayaa intaas ku daray in dalkiisa weli uu aaminsan yahay “mabaadi’ida qadiyadda Falastiin iyo xaqa ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay helaan dal madax banaan.”

Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay abaabuleen kulanka Netanyahu iyo al-Burhan oo Isniintii ka dhacay magaalada Entebbe ee dalka Uganda. Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Masar ayaa sidoo kale lagu war-geliyey.

Sudan ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Israel, sanadihii 1948-kii iyo 1967-kii, markaasi oo sidoo kale dalal kale oo Carbeed ay dagaal ku qaadeen Israel.

Kadib markii uu dhammaaday dagalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii, Khartoum waxay sheegtay inaysan marnaba heshiis iyo wada-xaajood la galeyn Israel, islamarkaana aqoonsan doonin.

Si kastaba, ayada oo dalal kale oo Carbeed oo badan, sida Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Cuman iyo Baxreyn ay sanadihii dhowaa si qarsoodi ah ula heshiiyeen Israel, Sudan ayaa rumeysan in xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Israel ka caawin karto in laga saaro liiska Mareykanka ee dalalka taageera argagixisada.

Al-Burhan ayaa maalin ka hor la-kulanka Netanyahu waxa uu la hadlay xoghayaha arriamaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana Pompeo uu al-Burhan uga mahad-celiyey “Hoggaankiisa wanaagsan iyo hagaajinta xiriirka Israel.”

Xoghayaha guud ee jabhadda xoreynta Falastiin ee PLO, Saeb Erekat ayaa cambaareeyey xiriirka Israel iyo Sudan, wuxuuna kulankii Entebbe ku qeexay mid dhabarka looga mindiyeeyey shacabka Falastiin.